Daawo Tixdaan: Allahayoow Kheyre Noodaa

Daawo Tixdaan: Allahayoow Kheyre Noodaa

812
0
SHARE

Abwaan Beddel Jaamac                                                       Tix gabay ah (Allahayoow Kheyre Noodaa)                          Markaan Arkay Xulistii iyo Waxqabadkii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee uu noogu soo xulay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, towfiiqda iyo waafajinta  Rabbi, markaan arkay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Dalka, Dadka iyo Diinta, markaan arkay siday isugu waafaqeen wax u qabadka iyo ugar-gaaridda shacabkan soo daalay.

Markaan arkay siday shacabka raalli uga yihiin guud ahaan dowladda iyo Xukuumadda Federaalka, markaan arkay bulshada siday u amaanayaan ayaa waxaa iqaadday khiiro waddaninimo, oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

waxaan tiriyay gabaygaan la magac baxay Alloow Kheyre Noodaa, waxaan idinka rajeynayaa Soomaaliyeey in aad ku sii socotaan wanaagga, aad u heysaan madaxdiinna, anigoo idin og halka aad ka joogtaan jaceylkooda, waxaan idin leeyahay halkaa ka sii wada, taageerada Inshaa Allaah waynu gaari halkaan u soconno, mar haddaan heysanoo madax inoo daacada, waxaana idinkuugu sii darayaa geeddiga wadaay guusha waynu gaariye.

Guuleysta kuwa isku dhaarsaday horumarinta Dalka, Dadka iyo Diinta, Xukuumadda Nabad yo Nololna, waxaan leeyahay Guul iyo Gobannimo.                                                                      Erayda iyo Codkaba Waa Abwaan Beddel Jaamac                          Daawasho Wacan.