Daawo Oo Ogoow: Bilicda Caasimaddaada ( Muqdisho )

Daawo Oo Ogoow: Bilicda Caasimaddaada ( Muqdisho )

766
0
SHARE

Wacyigelinta Wargeyska Dalka Soomaaliyeed.

Ogoow: bilicda Caasimaddu, waa sharaftaada iyo Nuurka Ubadkaada.

Ogoow: Nadaafaddeedu waa Nadaafaddaada  iyo Caafimaadka qoyskaada.

Ogoow: Qurbe Joog ama Qarrax jooge Lama huraan waa Cowska Jiilaal

Sidaa darteed, waa xil nawada saaran bulshada Soomaaliyeedeey, in aan maalgashanno dalkeenna, halka maanta aad ka camirteen dalalka shisheeye.

Ogoow: Haddii aad sidaasi yeeli weydo, waxaa ku qaban doonta cuqubada dhulkii aad u dhalatay oo isagoo arradan wixii xaq ah ee uu kugu lahaa aad ku bixineyso dal aad qariib ka tahay, berrina lagaa soo turun tureyn karo haddii aadan ku dhimanba.

Ogoow: Dalkaada, Dadkaada iyo Diintaaduba way kuu baahan yihiin

Ogoow: haddii aad adiga is-hilmaansiiso, isagu kuma hilmaami doono oo farac ka farac ayaad ku tahay.

Ogoow: inaad tahay waxaad ahayd, haddaad tahay muwaadin dhab ah waa kan midka adiga kuu dan ah, kuu baahan waa dalkaaga iyo Caasimaddaada.

Muqdisho ku dhaqan iyo guud ahaanba gobollada dalka.

Dardaaran: Qof walboow Ilaali Nadaafadda Guud ee Deegaankiina, si aad Caafimaad u heshaan idinka iyo ubadkiinnaba.

Daawasho Wacan Muqdisho.