Codka Dalkajournal-Waa lagama Maarmaan (Gabay)

Codka Dalkajournal-Waa lagama Maarmaan (Gabay)

131
0
SHARE

  • In dhaweytaba waa taanan marin
  • maasadii gabaye
  • Miraheeda Eebey baroo
  • waan mintimiyaaye
  • Aan macneeyo maantoo kaluu
  • muuna leeyahaye
  • Musbaxdii Abwaankaan ahay
  • iyo mahandiskiisiiye
  • Madfac iyo rasaas baan ihiyo
  • miino iyo leebe
  • Mugdi kuma jirnoo
  • xaalka maalin duhurkiiye
  • Ismaan dhaafka Soomaali
  • waa meheraddeediye
  • Maslaxaddeedi meeshay jirtiyo
  • diidday marinkiiye
  • Murugtiyo xannuunkey baday
  • inaan maddeeyaye
  • Muslim nimaan ahayn iyo
  • munaafaqa ayay daba ordaayaane
  • Maamulkeeda sare inay raacdo
  • waa lagama maarmaane
  • Afartaa middii aanrabay iyo
  • mooshinkaan riday dheh
  • Afar kalena waa xaajadaan
  • meesha soo dhigaye
  • Maandeeq hasheydiyo
  • haddaan eyro magacowday
  • Maslaxada markii aan ku dayay
  • een meelkastaba geeyay
  • Caddaan iyo madoow haddaan
  • maalin ugu yeeray
  • Guul iyo midnimo diidday
  • iyo meeshii aan rabaye
  • Soomaali midowgaa uroon
  • magaca keeda e
  • Midnimada inaan raadinaa
  • waa lagama maarmaane
  • Inaan muruqa cadowga tusnaa
  • waa lagma maarmaane
  • Inaan meel kasoo jeesanaa
  • waa lagama maarmaane
  • Gobannimada inaan muujinaa
  • waa lagama maarmaane
  • Maskaxda maalka iyo muruqa
  • intaan meel isugu geyno
  • Dowladnimo inaan muujinaa
  • waa lagama maarmaan
  • Maatada dareelkeedu
  • waa lagama maarmaan
  • Muslinkoon ku dhaqannaana
  • waa lagama maarmaan.