Ciyaalka Koollo-dhuuqyada oo sii badanaya.

Ciyaalka Koollo-dhuuqyada oo sii badanaya.

335
0
SHARE

Ciyaalka derbi-jiifka iyo kuwa dayacan  oo noqday Dibjirro ayaa runtii soo kordhay beryahan dambe, Muqdishu markaad u kuurgasho waxaa ku soo batay ciyaalka dhuuqa koollada oo aan garan waayay halka ay ka soo iibsadaan Koollada, sow la yaab ma aha kuwa u sahlaya ee ka iibiya koollada ciyaalkaasi oo si aad ah u dhooban agagaarka Ceel-gaab, xil sow kama saarna midka ciyaalka ka iibinaya koollada, sow ma ahan kan sii fidinaya dayacaada iyo cafimaad darrada ciyaalkaasi.

Kuwa caadeystay koollada  in ay  isticmaaalaan  ayaad arkaysaa  iney galaan guryaha weydiistaan wax ay cunaan, qaarna ay ku rabsheeyaan Dumarka jidka maraya halka kuwa kalena jidka laga mari la’yahay, waa arrin yaab leh marka aad aragto ilmo  aad u yar hadana ku dhex jira falka koollo dhuuqis.

Marka aan isku dayay  bal in aan ka wareeysto waxa ku kallifay in ay isticmaalaan koolladaasi ay dhuuqayaan  ayaa labo ka mid ah ciyaalkaasi  ay I sheegeen in aysan  garaneynin  wax ay qabtaan, Waxbarasho uma jeedno oo Danyar ayaa nahay marka waa wax annu isku madaddaalino koollada mar haddii aan shaqo heysan.

“Waa caadeysanay maalin walba  ayuu iigu daray-ma dayn karno haddii aynu heysan shaqo iyo daryeel toona”.

La yaab ayay igu noqotay  dhallintaasi sida  ay u maahsanaayeen iyo darxumada ka muuqatay iyo kuwa bartamaha jidka iska socda oo qaylinaya, heesaya oo miir la’.

Waalidka ciyaalkaasi halkey ku dambeeyeen sow lama socdaan ciyaalkooda, waa yaab ma lahan qaraabo miyaa iyo Ehel toona, mise waaba sidaasi arrintu oo cidna kama dambayso oo waa Debjir Derbo jiif ah oo bulshada dhib ku haya, yuu xil ka saran yahay Daryeelkooda, dhaqan-celintooda iyo wacyigalinta dhallintaasi.

Ciyaalkani ayaa u sahlan in si kasta loo adeegsado haddi aan si dhaqso ah waxba looga qaban ilayn waxba dhowran mayaan, waxaana la ogaaday dhallintaan oo kale marka meel lagu xareeyo la tarbiyeeyo ay noqonayaan kuwa si kasta dalka u anfaca, dhanka ciidamada qalabka sida iyo ka shaqeynta wax soo-saarka beeraha iyo Warshadaha Dalka.

Hadaba, dowladda iyo hay’adaha qaabilsan daryeelka caruurta iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir waa in ciyaalkaasi fiiro gaar ah loo yeeshaa inta goore goor tahay.

W/D: Osman Dhiblaawe