Ciidamada Amniga oo howlgallo ka fuliyay Degmada Boondheere

Ciidamada Amniga oo howlgallo ka fuliyay Degmada Boondheere

1100
0
SHARE

Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal dad badan lagu qabqabtay ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada oo watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka ka sameeyeen Xaafadaha ay ka koobantahy Dagmada Boondheere

Waxana ciidamada ayaa howlgaladaasi ku soo qab qabteen Dhalinyaro aad u fara badan òo lagu Tuhunsanyahay in Fallal amni daro ay ka wadeen Dagmadas,waxan ay ciidamadu ay sii dayeen dhalinyardasi qaarkood markii waxa Danbi ah lagu waayay iyagoona ciidamada ay ka xeysteen Tiro kamid ah dhilinyardii ay Hollgalka ku so qabteen.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin waxyaabaha ay howlgalkaas kusoo qabteen,hayeeshee Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo ka fuliyeen degmooyinka,Warta-Nabadda, Waaberi,Xamar Jajab, Xamarweyne, iyada oo xalay laag fuliyey degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir