Ciidamada Ammaanka oo Howlgal qorsheysan kusoo qabtay Dhagar qabeyaal ka tirsan...

Ciidamada Ammaanka oo Howlgal qorsheysan kusoo qabtay Dhagar qabeyaal ka tirsan Argagixisada Alshabaab

156
0
SHARE

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen  labo dhagar qabe oo ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab.

Mid kamid ah Labada dhagar qabe ee lasoo qabtay ayaa ka mid ahaa Maleeshiyaadka Kooxdaasi u qaabilsan dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhagar qabaha  labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud  ee dalka.

Ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan Kooxda Itaalka darran ee Alshabaab, waxaana Ciidamada ammaanka ay kordhiyeen baacsiga lagu hayo Argagixisada hadda Naflacaariga ah, si looga hor-taggo dhibaatada ay u geeystaan Shacabka.