Carraweelo iyo Oday Biiqay Qeybtii 2aad.

Carraweelo iyo Oday Biiqay Qeybtii 2aad.

432
0
SHARE

Waxaa jiray oday waxgarad ah oo la yiraahdo Oday Biiqay oo necbaa Carraweelo, Odayga keynta ayuu ku dhuuntay si uusan ugu gacan gelin Carraweelo oo aanay u dhufaanin in kastoo ay Carraweelo qabtay dareenka ah in uu jiro oday aan dhufaaneyn, waxayna dadkii ku tiri “ordoo ii keena waxaa jira oday aan dhufaaneyn oo keynta ku dhuumanayee” askarteedii Qubleyda ahayd ee dhufaannaa ayey amarkaas siisay, qubleydii iyo haweenkii askarta ahaa meel kasta ayey odaygaas ka raadiyeen, ugu dambeyntiina way soo heleen.

Xukunka Boqoradda ayaad ka soo horjeeddaa waa lagu gudayaa Caasinimadaada ee sook ac ayey askartii Carraweelo oday Biiqay ku yiraahdeen, haa ii geynina naag balada ah, waxayna idinku xiridoontaa xujooyin adag oo aydaan furi Karin, markaas ayaad taladeyda iyo waayo aragnimadeyda u baahan doontaan,  ayuu aday biiqay ku yiri Qubleydii iyaguna arrintaasi way garawsadeen waxayna yiraahdeen aan iska deyno odaygaan waa runtiise kayntiisa si xornima ah ha ugu noolaadee, dalka oo idil meel kasta keyn iyo buurba waan ka doonnay oo ma aanan helin oday aan dhufaaneyn ayay qubleydii ku yiraahdeen Carraweelo, wax ma tarayaal beenaaleyaal ah baad tihiine orda horteyda ka taga ayey Carraweelo qubleydii ku tiri.

Xujooyinkii  Carraweelo:

Carraweelo duulaamo ayay qaadi jirtay, mid ka mida dagaalladeeda ayay guul weyn ka soo hoysay, markaas ayay dadkii isugu yeertay si ay ugu dabaal dagto libinteedaas weyn ayey dadkii waxay ku tiri waxaad ii dhistaan dhig dhexo qaanso roobad dherer la’eg si aan uga hoos duso.

Dadku ma aysan awoodin in ay sameeyaan dhismo sidaa u dheer isla markaana awood uma ayan lahayn in ay diidaan amarka Carraweelo “aynu aadno Oday biiqay oo waydiisano taladiisa” ayey qubleydii  si hoose ugu heshiiyeen Oday biiqoow Carraweelo waxay nagu amartay inaanu u dhisno dhig dhexo qaansorobaad dherer le’eg, mana awoodi karno ee nala tali maxaan falnaa? Bay guurtidii ku yiraahdeen Horay Ayaan idinku sheegay in aad maalin uun ii baahan doontaan, haddaba orda u taga habarta waalan oo waxaad ku tiraahdaan nasii jaangooyadii qaansa roobaadka aanu kuu dhisnee dhig dhexo dherer la’eg sidii oday biiqay kula taliyay ayey Carraweelo qubleydii ku yiraahdeen, waa yaab yaa yiri ina rag aan dhufaaneyn kuma noola cafadaan ayey tiri Carraweelo oo la yaaban sida xujadeedii loo furay.

Maalin kalena iyadoo weli tuhunkii qabta ayay dadkii waxay ku tiri waxaan rabaa inaad ii keentaan harag xoolaad oo labada docoodba dhogor ku leh dadku mayan garaneynin xujadaas adag furaheeda, markiiba waxay u tageen oday biiqay waxayna ku yiraadeen oday biiqoow maantana Carraweelo waxay nagu amartay in aanu u keenno harag xoolaad oo labada dhinacba dhogor leh.

Garan meyno harag xoolaad noocaas ah meel aan ka helnee noo sheeg meel aan ka doonno.

War dheg dameer u geeya habarta falan, Iyadaa labada dhinacba dhogor ku lehe, ayuu oday biiqay qubleydii ku yiri, dadkii intay aad u farxeen oo dameer dhegta ka soo gooyeen ayay Carraweelo u geeyeen, waa yaab yaa yiri inan rag oo aan dhufaaneyn kuma noolo kayntaan ayey tiri Caraweelo oo la yaaban sida xujadeedii labaadna loo furay.

Carraweelo markii ay ku talisay in ragga dalka jooga oo dhan lalaayo ninkeedina waa ay ku dartay oo isagana waa la dilay, Bilo ka dib ayaa Carraweelo waxaa ku soo baxay uur Gabar wayna u mushay markii shinkeedii dhameysatay, gabadhii baa kortay oo noqotay inan aad u qurxoon sidii hooyadeed, gabadhu marna raali kama aysan ahayn sida ay hooyadeed u dhaqmeysay wayna ka soo horjeeday dhufaanidda iyo laynta ragga, waxse kama aanay qaban Karin arrintaas, maxaa yeelay nafteeda ayay kala baqi jirtay hooyadeed.

Oday biiqay oo markaas boqol jir ah oo ahaa ninka keliya ee aan dhufaaneyn ee dalka ku haray baa ku tashaday in uu guursado oo uu dhalo wiil dila oo ka taqalusa Carraweelo si uu ragga kaga badbaadiyo cadaadinteeda, sidaa darted oday biiqay wuxuu berigii dambe keynta kula kulmay si qarsoodi ah ina Carraweelo, halkii ayey ku heshiiyeen hoostana waa ay iska guursadeen.

Naa yaa baas oo kuu baxay, ii sheeg Carraweelo ayaa ku dhawaaqday markay aragtay gabadheedii oo uur leh, adiga yaa kuu baxay hooyo markaad I dhalaysay, gabadhii baa weydiisay, kolleey waan dili waxaad siddo haddey rag noqdaane ii sheeg ay Carraweelo dibinta la ruugtay.

Gabadhii wiil bay dhashay, waayo kadib markaas bay Carraweelo tiri naa ii keen nacabka aan nafta ka qaadee.

Gabadhuse waxgarad bay ahayd waxayna ku tashatay sidii ay Wiilkeeda uga badbaadin lahayd ayeeyadiisa.

Siday u baaseyneysay ee ay u lahayd hooyo macaaney ii daa ha ii fadhi bartee, iidaa ha ii af bartee, ii daa ha iisocod bartee, noo daa geela hanoo raacee ayuu wiilkii koray, guyaal ka dib nin weyn oo hana qaad ah ayuu noqday wiilkii.

Wuxuu weligii qaadan jiray laba waran iyo gaashaan weyn oo ka sameysan saan wiyileed nin dagaal ugu tegi karaana ma jirin.

Waagii dambe, wiilkii wuu iskaga tagey xaruntii ayeeyadiisa oo keynta buu iska galay maxaa yeelay wuxuu ogaaday inay neceb tahay isaga oo ay dooneyso in ay disho.

Ba’ay oo hoogay bal garaad xumadeyda maxaan udeysanayay intii uu intaa la ekaanayay nacabkaas qatarta ku ah nafteyda iyo taliskeygaba ayey tiri.

Dilkii Carraweelo:

Carraweelo guurtideedii ayay isugu yeertay oo ku amartay, orda oo dhaqso iigu yeera wiilkaan ayeeyada u ahaa ee aan nacasnimada u daayay, ka keena meel uu jiraba oo soo qabta, ilaa hadda wiilkeygiyoow kuuma aanan sheegin aabahaa ninka uu yahay waxaanan sugayay inta laga gaaro waqti ku habboon, waqtigiina hadda ayaa la joogaa waxaa ku dhalay oday waxgarad ah oo la yiraahdo oday biiqay oo keymaha ku nool orod oo u tag isuna sheeg, waydiisana taladiisa iyo waanasiisa si aad uga badbaaddo ayeeyadaa, ina Carraweelo ayaa wiilkeedii ku tiri sidaas.

Waan ku faraxsanahay aabbe inaan aniga oo nool kulanno, wiilkeygiyoow oo aad garabkeyga istaagto, laba ninbeynu nahay hadda in kastoo Carraweelo ayaydaa tahay xaq waalidna kugu leedahay raggiiyoo dhan bay ka deedday oo sabab la’aan u laysay sidaa darted, waa in talada dalka xoog lagaga qabtaa.

Nin rag ah oo waxgarad ahna loo doortaa hoggaaminta dadka, orodoo ceelka xooluhu ka cabbaan agtiisa ardaa weyn oo dugsoon ka dhis markaas iigu imoow dheh ayeeyadaa Carraweelo si nabadeed aannu u garrannee, ogowse arrintaasi waa dhagaree labadaas waran ee baal xaafka ah iyo gaashaanka qaado kolleey Carraweelo kuu timaado fariisi ardaaga markastana iska dhig nin nabad wada,  adigoo eeganaya waqtiga ku habboon, waranka kaga dhufo wadnaheeda garkiisa si ay  durba u naafowdo” qubleyda iyo haweenka ilaaliyaa way neceb yihiin Carraweelo oo u hiilin maayaan goortaad ku tumaatid waranka haddeey Carraweelo ba’ay ku catowdo, ogow inay wuxu haween tahay, haddiise ay ku catowdo wayoo way, markaas ku tumaati waranka labaad oo qudha kaga jar.

Waa yahay Aabbe, sidaad igula taliso baan yeeli, intuu yiri buu iska dhaqaaqay, guuleyso maandhe intuu yiri ayuu wiilkiisi sii eegay ilaa uu ka libdho.

Carraweelo farriintii wiilkii ay ayeeyada u ahayd ayaa loo geeyay wayna oggolaatay in ay u tagto oo ay heshiiyaan, waxayse rabtay in ay kedis ku qabato oo isaga disho, hase yeeshee Carraweelo markay ardaagii soo gaartay ayuu wiilkii dardaarankii aabihii fuliyay oo intuu gees kaga soo booday warankii baal xaafka ahaa garka wadnaha ku gooyay hoogay hoogay oo ba’ay ooo!!!Aaa!! intay tiri ayay dhulka ku dhacday naftiina way ka baxday.

Dardaarankii Carraweelo:

Carraweelo, weligeed way ka ilaalin jirtay haweenka ciidanka u ahaa in ay xiriir la yeeshaan ragga ay necbeyd ee ay ku sheegi jirtay dhagar qabayaal xoog ku qaata waxa ay haweenku xaq u leeyihiin, markastana waxay haweenka bari jirtay xeerar iyo talooyin ay ragga kula dhaqmaan, tii ka hortimaadana way ciqaabi jirtay, ugu dambeyntii Carraweelo markii uu ku dhacay nabarkii ay u dhimatay waxay haweenka uga tagtay dardaaran ay haweenku qabsadeen jiilbana jiil kale ugu sii dardaarmayay, waxayna tiri:

  • Waxaad doontaan diida, waxaad diideysaana doona
  • Gardarro ogaada boohinna ku dara garowshiiyo aad heshiine
  • Cunta ogaada, qarin ku dara hunguri sami aad hesheene
  • Rag ku dadaala diidmana ku dara danisame aad hesheene
  • Cudud rag isu geeya cafkiisana kala dhowra.

Qabrigii Carraweelo:

Waxaa la sheegaa in Qabrigii Carraweelo uu ku yaallo Tuulada Ceelaayo oo ka tirsan Gobolka Sanaag halkaa oo laga helo buur yar oo ka sameysan dhagxaan la tuuray oo Soomaalida meeshaas deggani u yaqaaniin Taallooyin ama maan la’.

Waxaa la wariyaa in dhismahaasi yahay qabrigii Carraweelo, markasta oo ay ragga Soomaaliyeed agmarayaan taalladaas waxay ku dul tuuraan dhowr dhagax iyaga oo habaaraya magaca Carraweelo.

Dhinaca kale, haweenka Soomaaliyeed Caleemo qoyan iyo Ubaxyo bay dul dhigaan xujuubka Carraweelo iyagoo qaddarinaya Boqoraddaas caanka ahayd.