Buufisku waa Tahriibka barkii

Buufisku waa Tahriibka barkii

647
0
SHARE

Muddooyinkii la soo dhaafay dalka waxaa ka jiray wax lagu tilmaami karo Daabulaad, Tahriibin dhallinyarada, kuwaasoo ugu dambeynna mara waddada dheer ee qaxarka iyo geerida.

Waxaa badanaa la arkaa dhallinyaro xirxiran oo tahriibeysa iyadoona la ogeyn sababta ku kaliftay, waxaadna arkeysaa haddii aad la sheekeysatid ruuxaas dhallinyarada ah in uu kuu sheegayo wax aan sal iyo raad toona lahayn, waxaadna dareemeysaa in ay wax kale ka hor hadlayaan ee uusanba  caadi ahayn qofkaasi.

Waxaa dalka laga yaabaa in ay ka jiraan silsilado isku xiran ilaa iyo raga soomaalidu u taqaanno Ma gafeyaasha kuwaasoo ah kuwo aad u naxariis daran, waxaana gacanta u geliya kuwa ku tixan silsiladdaas magafayaasha.

Mar haddaad maqasho magefe, waxaa durbadiiba kugu soo dhacaya ruux wax dhiba, luggooya, waxaana laga yaabaa in ay ka billowdaan gudaha dalka, waxayna leeyihiin kuwo ku taqasusay  tashkiilinta iyo lab kicinta oo shaqadoodu tahay hami kicinta qof iska nabdoon oo aan safar ku jirin, waxayna ku abuuraan laab lakac, isagoo qofkaasi caafimaadka qaba ku abuuraya waxa soomaalidu u taqaanno Buufiska.

Haddaba, Buufis, ma caafimaadbaa, ma jirraa, ma waalibaa, ma waxaan intoodaba ahaynbaa, taasi jawaabteeda waa idinka xaggiina

Waa hubaal tashkiiliyahu in uu ka helo macaash fara badan, waayo waa adeegaha kowaad ee soo dharaan dhiriya qof iska nabad qaba oo hooyadiis iyo aabihiis la nool kuna soo xira magefeyaasha maanlaaweyaasha ah.

Heer waxaa la gaaray ay dhallinyaradu ku yiraahdaan war adigu iska soo bax, hooyo iyo aabbo waxba ha u sheegin  iyagaa markaad dhaqaaqdo kuu soo dhiibaya waxaad rabtee.

Kuwani kaama haraan ilaa ay kugu ogaadaan gacanta sugan ee Magefeyaasha jooga Liibiya ee sida daran u bahdila qofka, haddey kaa waayaanna xoolaha ay ku saarteen mararka qaarkoodna kala baxa xubnahaaga  muhiimka ah.

Waa hubaal in maanta ay la il daran yihiin kuna rafaadsan yihiin xeryaha magefeyaasha tixan saxaraha ilaa iyo liibiiya kumanaan dhallinyaro oo ka kala yimid Afrika qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale, dhallinyaradaasi waxaa si maan ka bax ah loogu guraa doomaha bacda ka sameysan waaba haddii uu ka soo badbaado imtixaankii ka horreeyay badda, taasoo markii aad fiiriso ayba tahay dadkaan in loogu talagalay in ay ku dhamaadaan badda dhaxweynkeeda.

Waa ciil iyo caloolyow inta hooyo iyo aabbo ku waayay caruurtooda safarkaas naftii halignimoda ah.

Wallow waalidiinta qaarkood raalli uga ahaayeen safarkaas bahalnimada ah, badankooduna way ka shallaayaan kadib markii ay kuwaayaan ilmahooda badda dhaxda weyn ee Atlaantiga.

Sidoo kale, waalidiin aan ka warqabin ilmahooda goor ay ka tageenba, waxay un ka warhelaan wiilkii oo sii maraya meel aan waxba laga gaarin, taasina waxay ku dhalisaa uur xumo iyo walaac joogto ah.

Haddaba, Maxaa la gudboon gaar ahaan soomaalida meel kastooy joogto in ay ka feejignaadaan kuwa aan naxariista lahayn ee caruurteenna ku tashkiilinaya safarrada nafhurnimada ah ee sida badan aan waxba laga soo dheefin.

Waalidoow, marka ugu horreysa ee aad ku aragto Calaamadaha Buufiska ama aad ka maqasho isagoo afka ku haya waxaad sameysaa dabagal dheer cidda ka dambeysa in wiilkaan lagu abuuro safarka qaabta daran, waa xaqiiqo in ay jiri karaan dad ka dambeeya oo doonaya in ay shabaqa soo geliyaan wiilkaas dhallinyarada ah ama gabadhaas ubaxa soo baxaya ah.

Toogtaha koowaad waa magefaha gudaha jooga ee qaarkood laga yaabo in ay xafiisyo ku leeyihiin dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Ogow Buufiska ayaa u aabbo ah waxa Tariibka la yiraahdo, waayo marka ugu horreysa adigoo aan soomarin xaaladda Buufiska uma gudbi kartid tahriib, sidaa daraadeed waxaa dhihi karaa isagaaba aabbo u ah.

Dhallinyarooy marka horeba qofkii doonay in uu idinku buufiyo baaruudda tahriibka  iyo waxaan jirin, waxaad tiraahdaan naga tag hana buufinin balaayo ha ku buufisee.

Teeda kale, tahriibiyeyaashu waa dambiileyaal u baahan in maxkamaduhu arrintoodu gacan bir ah ku qabtaan, waa manaxayaal si dadban wax u dila, waad aragtaan waxaa dhallinyarada ku haysta meelaha magafayaasha joogaan dhallinyarada ku sugan.

Waa xaa loo baahan yahay shacabka soomaaliyeed oo isku duuban in ay ka hortagaan mufsadiinta korka bini’aadamka ka doonay dullaalka, waana in laga ciribtiraa dalka soomaaliya gebi ahaantiisaba wax dadka iyo ugaartaba tahriibinaya.

Waxaa jira dad aan iimaan lahayn oo wax walba wax ka dayay, tanise waa midda ugu daran, waa qofkaadi oo aad arkeysoo laga wadanayo baddana lagu shubayo, hadhowna aad gaareyso meel aadan waxba ka qaban Karin.

Shacabka soomaaliyeed, waa inay waxbadan ka foojignaadaan kuwa ku shaqeystqa arrimahaan aan soo sheegnay.

W/Q: Osman Dhiblaawe