Barcelona oo Liverpool iyo Chelsea kula dagaalameeyso saxiixa Werner

Barcelona oo Liverpool iyo Chelsea kula dagaalameeyso saxiixa Werner

143
0
SHARE

Barcelona ayaa u dhaqaaqday badalka Suarez, iyadoo diyaar u ah in ay iibsato weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner, iyada oo loolan adag la gali doonta kooxaha EPL-ka ee kala ah:- Chelsea iyo Liverpool.

Barcelona ayaa u baahan weeraryahan si uu u buuxiyo booska Luis Suarez, oo kooxda dhaawac ugu maqanaan doono muddo afar bilood ah.

Dhanka kale Werner, ayaa gooldhalinta horyaalka Bundesliga kula tartamayo weeraryahanka kooxda Munich iyo xulka Poland, ee Robert Lewandowski, isagoona xilliciyaareedkaan dhaliyay 20 gool 18 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa RB Leipzig.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan ( Sumar )