Arsenal iyo Chelsea oo isku dhaafiwaayay bar-baro 2-2 ah.

Arsenal iyo Chelsea oo isku dhaafiwaayay bar-baro 2-2 ah.

178
0
SHARE

Arsenal iyo Chelsea ayaa isla dhaafiwaayay bar-baro 2-2 ah kulan ka mid ahaa horyaalka EPL-ka, kulankaan oo ka dhacay gagida caanka ah ee Stamford Bridge.

Chelsea oo marti loo ahaa ayaa ku hormartay goolka kowaad ee ciyaarta  iyada oo da’yarka reer England ee T. Abraham uu qalad ku galay daafaca Arsenal ee David Luiz, Abraham oo si layaab leh u soo dhaafay gool haye Leno ayaa waxaa jalaafeeyay Luiz taas oo keentay in gool ku laad lagu abaal mariyo Chelsea, ugu dabeeyna waxaa gool u badalay ciyaaryahka qadka dhexda kaga ciyaaro Blues ee Jorginho, yada oo ay xusid mudantahay in Luiz kaarka cas loo taagay.

Qeeybta labaad ee ciyaarta ayeey Arsenal heshay goolka bar-baraha, daqiiqaddi 63aad ayaa waxaa u dhaliyay da’yarka reer Brazil ee Gabriel Martinelli goolkaan oo ahaa gool layaab leh ayaa Martinelli waxa uu kala soo cararay diilinta 18aad ee Arsenal isagoona orod ku dhaafay qaar ka mid ah ciyaartooyda Chelsea.

Gabagabdii ciyaarta ayeey Chelsea hoggaanka la wareegtay iyadoo daqiiqadii 83 heshay goolka labaad ee ciyaarta waxaana dhaliyay kabtankeed Cesar Azpilicueta , wxaase dhamaadkii ciyaarta diiday daafaca Arsenal iyo xulka qaranka Spain ee Hector Bellerin oo ciyaarta ka dhigay garbo siman 2-2

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan ( Sumar )