SHARE

Mid ka mid ah wadaadda Soomaaliyeed ayaa muxaadaro uu u jeedinayey qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaan ka maqlay, arrin aan aad ula yaabay, inkastoo wadaddadu ay badankoodu ka hadlaan farqiga u dhaxeeya adduunka iyo Aakhirada sida badana waxay hadalkooda ku adkeeyaan aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis Nabi.

Wadaadkaan aan kuu sheegayo waxa uu yiri: Qofka dunida joogaa Habeen dhexmo ayuu dunida ku yahay ka Aakhiradana waa u lama huraan, sidaas darteed Adduunyadu wax macno ah malahan.

wuxuu intaas raaciyey Qofkii isaga oo aan tukan ama soomin ama xajiyin dhintay, isaga oo boqol jir ah, miyuusan khasaarin – Xitaa haddii uu ka tagay boqollaal buug oo cilmi ah? Waa aragti sax ah sida uu wadaadku sheegay haddana waa qasab in dunida laga shaqaysto horumarna laga gaaro nolosheeda, oo aakhirada kaliya aan laga fekerin, sababtuna waxay tahay in nolosha adduunyaduna ay u baahan tahay dib u habayn iyo in laga dhigo meel nolosha insaanka karaamaysan uu ku noolaan karo Wadaadkaan wuxuu dadka si qayaxan u yiri: “Meeshaan adduunyada la yiraahdo ma ahan wax sii ridan oo uu qof caqli lihi waqti isaga lumin karo. Waa huteel aad habeen iyo labo ku sii hoyanayso adiga oo safar ah, marka maxaad uga fikiraysaa in aad sariirihiisa, iyo Daahyadiisa aad badasho, Musqulihiisa hagaajiso, qolalkiisana dayac-tirto?!”.

Haddaba, marka uu wadaadkeenna adduun-araggiisu sidaas yahay, lagama sugayo in uu ka hadlo dhibaato bulshadeed oo markaas taagan xalna u baahan.

Sida dadka Yurub iyo Ameerika aadaya misana aan laga filayn in ay dib u soo noqon doonaan.

Waxaa la ogaaday in kunkii qof ee dhoofa uu hal mid oo keliya ka soo laabto.

Tusaale ahaan, “Waddanka Norway oo keliya afartan iyo labo kun oo qof oo Soomaali ah ayaa galay, kun qof oo keliya ayaa soo laabaatay.

Inta kale rajo laga ma qabo in ay soo laabtaan.” Dadkaasi weli waa jiilkii koobaad ee waddanka ka tagay, sidaas awgeed, la fili maayo in is-baddal ballaaran oo dhaqan iyo diinneed ku dhoco iyaga. Balse, arrintu sidaas ma sii ahaanaysaa marka ay dadkaasi dhintaan ee kuwii ay Yurub ku dhalleen ay sii dhallaan kuwo kale? Ogoow wax yar ma aha – intii badan waxay kuwaasi ka tageen afkii, dhaqankii iyo diintiiba.

Haddii ay arrintu sidaas tahay, muran kama taagna kuwaasi kuwa ay Yurub kusii dhallaan in ay jinsiyaddoodii iyo diintoodiiba ka sii fogaanayaan.

jiilka koobaad ee Yurub ku dhashaa ay aqoontooda diintu ku koobnaan doonto in ay yiraahdaan, “waxaan soo gaarnay, ayeeyooyinkeen oo tuk-tukada!” Balse, jiilka kuwaasi ka sii dambeeya iyagu ayeeyo tukatana ma aysan soo gaarin ee maxaa laga fili karaa? Waxa laga filayo waa uun in ay sii libdhaan oo ay ku milmaan deegaanka iyo dadka ay u tageen.

Arrinta is-waydiinta mudani waxa ay tahay: Xalka dhibkaan nagu soo foo leh waa uu fudud yahay.

koobaad waxa lama huraan ah in carruurta af-Soomaali la baro. Markaas ayay iyaga iyo dadka intiisa kale is af garanayaan, maxaa yeelay “ Dadka Soomaaliyeed badankooda kuma hadlaan luuqaddaha Yurub looga hadlo.” Marka labaadna waxaan soo jeedin laha in aan carruur dambe Yurub lagu dhalin, dadka waawayn ee soo hijroonayaana ay waddankooda iska joogaan. Labadaas arrimood oo keliya ayuu xalku iigu muuqdaa qof ahaan Haddaba, su’aasha is-waydiinta mudani waxa ay tahay, maxay dadkeenu dhulalkooda uga dhoofayaan ? Waxaa laga yaabaa in aynu dhahno dagaallo.

Waxaa jira dalal aan dagaallo sokeeye ka Jirin haddana dadkoodu ay Yurub iyo Ameerika buux dhaafiyeen.

Tusaale ahaan, sagaashan kun oo Keenyaan ah ayaa Mararkanka ku nool, boqol iyo konton kun oo Itoobiyaan ah ayaa iyaguna Maraykanka deggan.

Sannadkii 2017-kii, soddon iyo lix kun oo Nayjeeriyaan ah ayaa Yurub galay.

Dadkaas oo dhan ma dagaallo sokeeye ayay ka carareen? Jawaabtu waxa ay tahay, dadkaani haddii ay dagaallo ka carareen waa ay suurowdaa in ay waddankoodii dib ugu soo laabtaan, balse xaqiiqadu sidaas way ka fog tahay.

Dagaallo kama kaxayn dalalkoodii dadkaan.laakiin sida ay ila tahay labo arrimood oo ay dalalkoodii ka waayeen, ayay dalalka ay u haajireena ka heleen taas ayaana u sabab ah safarka iyo socdaaladooda.. Tan koowaad waa Xorriyad Tan labaadna waa Fursad.

Meeshii labadaas arrimood laga helo cid waliba waa ay ku soo hirataa, meeshii laga waayaana waa laga hijroodaa. Xorriyaddu waa madaxbannaanida uu shaqsigu u madaxbannaanaado fikirkiisa, dhaqankiisa, diintiisa iyo doonistiisaba.

ugu xorriyadda badnaa dunida ayaa ugu bulsho badnaa intii aan la soo rogin shuruucda socdaalka iyo dalku gallada.

Yurub markii ay xorriyadda fikirka,iyo dhaqaalaha nagala mid ahyd dadkeenna qafaal ayaa lagu gayn jiray, maantana dhalinteenu naftooda ayay halligaan si ay u gaaraan.

Arrinta labaad ee muhiimka ahi waa fursadda, waayo fursaddu waxa ay abuurto maadada iyo wax kasta oo lagu noolaado.

Maanta ilmaha ku dhasha dhulka saxaraha ka hooseeya fursadda qura ee uu haystaa waa Abbihiis.

Waxaa uu baran karaa wixii aabbihiis awoodo, waxuu cuni karaa wixii Aabbihiis siiyo, waxuu caafimaad ahaan heli karaa wixii Aabbihii awoodo.

Intaas oo dhanna waxaa la wadaaga intii kale ee uu Aabbihiis dhalay. Fursad loo siman yahay dhulkeena kama jirto.

Hodannimada iyo saboolnimaduna ma ahan wax karti iyo dedaal qof ahaaneed ku xiran ee wax kale oo awood naga baxasan ay hagayso.. Labadaas arrimood iyo qaab fekerkeena Guracan iyo Qabyaaldda oo nalaga kari waayey in aan isaga harno ayaa dadka madow iyo dunida muslimka ahba asaaggood ka reebtay.

Tusaale ahaan, in aad aamminto ragga iyo dumarku in aysan waxba ku kala duwanayn marka laga reebo ‘sida ay u kaadjaan’ ayaad noloshaada oo dhan ku waayi kartaa marka aad joogto qaar ka mid ah dalalkaan dib u dhacay ee laga aaminsan yahay wax mar hore ay xarimeen Diimaha samaawiga ah iyo caliga suuban ee sida san oo kaliya u fekera waxna u arka..

W/Q: C/risaaq Axmed Absuge.