SHARE

Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhaya tirade jaamacadaha oo ilaa haatan aan ka yareyn soddomeeyo jaamacadood oo lagu barto culuun kala duwan .

Dad badani waxay ka doodaan tiradaa sii kordheysa oo ay ku dhaliilayaan in ay keeni karto hoos u dhac ku yimmaada dhinaca tayada hase yeesheeshee maamullada Jaamacaduhu arrintaa wey ka doodaan.

Maxamed Axmed Cumar waa aqoon-yahan wax ku soo bartay Jaamacadihii dalku lahaan jiray wuxuuna culuunta beeraha kaga soo baxay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed wuxuu qabaa in ardayda haatan dhigata jaamacadaha ka fursad wanaagsan yhiin ardaydii hore .

“Annagu ma heysan internet iyo teknolojiyada cusub waxaan wax ku baran jirnay feynuus laakiin waa ka dadaal badnaayeen ardayda hadda jaamacadaha dhigata “ ayuu yiri.

Ardayda Jaamacadaha marka aad u kuurgasho ma laha ama waa ku yar yahay dadaalkii looga baahnaa arday jaamacad dhigta waxayna u dhaqmaan sida arday weli dugsi dhexe dhigta mana isku mashquuliyaan duruusta oo waa dhif in aad aragto iyagoo akhris ku jira marka laga reebo in yar oo far ku tiris ah.

“Maba fiiriyaan duruusta ..buugaagtana meesha ay dhigaan kama qaadaan “ ayuu yiri Maxamed Axmed.

Xaaladaha ka jira jaamacadaha laftooda iyo dhaqanka macallimiinta ayaa laftooda arrintaa ka dambeyn kara waayo culeys badan laguma saaro ardayda duruusta  sida ay qabaan waalidiinta qaar.

Fawsiyo Axmed Ciroole waa hooyo ay labo arday jaamacadda u dhigtaan waxayse shegeysaa in labadeeda carruur midkood ay mar walba ku dagaalamaan in uu duruusta ka shaqeeyo oo yareeyo kubbadda cagta oo uu aad u daneeyo.

“Ma aqaan halka ay wax ka jiraan si walba waa yeelay wiilkeyga kama dareemayo welwel dhinaca imtixaanaadka ah” ayey tiri.

Tiro aad u badan ayaa sanad walba ka qalin jebisa jaamacadaha taas oo aan mararka qaar macquul aheyn, inksatoo dadka qaar tiradaa badan guul ku tilmaamayaan hadana dadka aqoon yahanka ah wey dhaliilaan waxayna la xiriiriyaan fududeyn imtixaannaadka iyo tayada oo aan la kontaroolin.

“ Bal fiiri da’da ardayda qaar…aad bey uga yar tahay da’da looga qalin jebiyo jaamacad, qaarkoodna marka aad wareysato waxaad ka dhadhansaneysaa in aaney u bislaan qalin jebin…” ayey Tiri Faa’iza Axmed  oo dhowaan dalka ku soo laabatay.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah macallimiinta jaamacadaha Muqdisho midkood wuxuu sheegay in Jaamacadaha oo dhan aan tayo la’aanta waxbarashada lagu eedeyn Karin ayna jiraan kuwo kaalintooda si wax ku ool ah u buuxiyey.

“ Kuma lihi ma jiraan kuwo tayada aan ku dadaalin oo tirade ardayda ay helayaan oo keliya ku fekera oo tayada ardayda ay soo saaraan aysan wanaagsaneyn laakiin inta badan waa lagu dadaalaa tayada ardayda” ayuu yiri Maxamed.

W/Q: Maxamed Shiil.