SHARE

Marka laga bilaabo maalintii gobonnimada laga qaatay gumeystayaashii reer Yurub dalkeenana uu ka xoroobay dhibaatooyinkii gumeystaha waxaa loo ciyaaray Ciyaaro iyo damaashaad iyadoo loo tiriyey heeso kala nooc ah iyo gabayo, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo lagu maamuusaayo maalmaha gobonnimada dalka.

Haddaba, haddaan dib u milicsano fagaarayaashii dabaal degga iyo xafladaha ay ka dhici jireen waxaa ka mid ahaa Ex baarlamaan, fagaaraha weyn ee Tarbuunka. Waxaa kaloo aad loo qurxinjiray bilicda Magaalada waxaana aad sare loogu qaadi jiray bilicda iyo Nadaafadda magaalooyinka oo dhan, waxaana nadaafad aad u sareysa laga qaban jiray dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo lagu maamuusayo oo lagu soo dhaweynayo maalmaha Xorriyadda.

Hadaba, markii la gaaro xilliyada xafladaha iyo munaasabadaha waqtigeeda waxaa ka qeyb qaadan jiray oo fantasyo iyo gaadi ka ciyaar kala duwan ku gaaf wareegaayey ciidamada Booliska, Maletariga oo ay hor kacayaan ciidamada Kumaandooska, kuwa cirka oo iyaguna kaga qeyb qaadanaya gaadi ka ciyaar iyo diiyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Miig 21, 17 iyo 19.

Waxaa kaloo iyaguna fagaaraha maraya macallimiinta wasaaradda waxbarashada oo ay hoggaaminayaan Jaamacdaha iyo dhammaan dugsiyada hoose/dhexe iyo sare.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa iyadana kaga qeyb qaadanaysa iyadoo shaqaalaheeda ku labisan yihiin labiskooda u gaarka ah.

Waxaa kaloo ka qeyb qaadan jiray wasaaradaha howlaha guud, shaqadaha iyo shaqaalaha iyo dhammaan shaqaalaha rayidka oo aan kala maqaneyn iyagoo ka kala socda dhamaaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyagoo waliba ku labisan astaamahoda gaarka ah.

Maalmaha xorriyadda waxay ka dhici jireen dalka oo dhan iyo meel kastoo ay Soomaalida ay joogan, waxaana maal mahaas aad loo xusi jiray oo loo soo hadal qaadi jiray Geesiyaashii gobonnimadoonka ahaa oo ay ugu horreeyeen ururkii gobonnimadoonka ee SYL iyo geesiyaal ay ka mid yihiin Axmed gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dhagax tuur iyo Xaawo Taako iyo kuwo badan oo u dhintay gobonnimada darteed.

Marka ay dhacayaan feystayaasha iyo xafladaha noocaan oo kale ah waxaa maalmo badan laysla qadeyn jiray saaxiibada iyo dadka qaraabada ah oo aan muddo isu imaan iyadoo laysku heli jiray meelo badan oo ay ka mid yihiin fagaarayaasha lagu soo ban dhigo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

waxaa kaloo aad isu beddeli jiray dadka labiska ay soo xidhaan maalmahaas mudnaanta gaarka ah ugu fadhiya qarannimada ummadda Soomaaliyeed oo kasoo baxday maalmihii mugdiga una soo baxday iftiin iyo muuqaal aan weligeed arag.

Si kastaba ha noqotee maalmaha xorriyadda ma ahan kuwo la inkiri karo amase markii la doono laga jeesan karo, waa xilli iyo farxad ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, sababtoo ah haddii aysan xornimo jirin Dowladnimo ma jirto, diin majirto, dal ma jiro dadnimo ma jirto horumar iyo nolol midna ma jirto, sababtoo ah bin’aadam kale ayaa ku gumeysanaya waana sababta Geesayaal badan naftooda u hureen, ma jirto Alle mooyee cid kaloo madax loo raaric karo ama mudan in loo qushuuco, haday dhacdose waa dulli ayaa dushaada saaran Aakhiro iyo Adduunba.

Haddaba Soomaaliyey, gobonnimadii laga soo maray dhibkaas oo geesayaasha badan u geeriyoodeen oo hantida badan u baaba’day haddii aan maanta dayacno soo ayaan darro ma ahan, sow haadu inay ku cunto ma ahoo cid waliba inay ku cunto ma ahan.

Dib u fiiri gobonimada sidii lagu gaaray ama lagu helay, aaway midnimadii, cod iyo calafba in la mideyo ayaa calan lagu difaacaa, cidla lagama helo calan iyo ciid iyo waliba shacab oo aan dowlad laheyn.

Muwaadinoow ilaali calankaaga iyo ciidaada xilweyn baa kaa saarane yaan dhankaaga loogu soo dusin cadow ha u nugleyn, hadaad calankaaga dayacdo adey ceebta kuraacdaa berri waadna calaacali doontaa, ciidda waa naga dhexeysaaye cidna ha ugu darnaan difaac ciidaada iyo calafkaaga, daneystuhu yuuna waxkuu yeerin, yaan lagugu dirinoo ha noqon tabacane shisheey, kuwa ay ku adegtaan gumeystuhu waa laalush qatayaasha iyo damiir-laawayaasha lug gooya dadka iyo dalka, kuwa kala dila ummadda oo ugu sheekeeya qabyaalad iyo waxyaabo aan nacfi laheyn ka fogow agtooda yeysan bohol kaa ridine adduun iyo aakhiro waxba kuuma kordhiyaan, Ilaah ayaa dadka ciseeya oo gaarsiiya sharaf iyo mansab ruuxii uu la doono.

Mar haddii sidaa tahay, ka fogow beenta iyo walaahowga oo naftaada yeynan been kuu sheegin.

W/Q: Gabeyre