SHARE

December 2019 ayaa cudurkani ka soo if baxay dalka shiinaha gobolkiisa Wu-han, wuxuuna ku sii fiday Hong-Kong, Bejing iyo kuwo kale.

Caabuqa Covid  19 ayaa si dhaqsiyo badan uga sii gudbay dalka  Shiinaha dalalka ay ka midka yihiin Japan, Kuriya bilo yar gudahooda wuxuuna gaaray New York, Talyaaniga, Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo weliba Iiraan.

Ururka Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ku dhawaaqday Corona Virus inuu yahay Masiibo Caalami ah uuna u baahan yahay ka hortag iyo feejignaan.

March 2020 ayaa caabuqaani Covid 19 dunida oo idil saameeyay, wuxuuna keenay cabsi badan iyo wel wel joogto ah.

Cudurkan wuxuu soo gaaray Afrika oo aan hesan tashiilaad horumarsan waxaana leysku dayay in la soo saaro talaal iyo dawo looga hortago cudurka loo caal waayay.

Dalalka Mareykanka, Talyaaniga, Braasiil, Iiraan iyo Ingriiska ayuu si daran u haleelay cudurku wuxuuna galaaftay in ka badan 42500  ruux.

Waxay dunidu wajahday inay soo saaraan Wacyigelin Caalami ah oo ah Gacmaha oo leyska dhaqo laguna meyro Alcholo Saabuun ama Shaambo si joogto ah, sidoo  kale in la gashado Gacmo gashi               (Gloves) iyo Sanka iyo Afka oo la xirto (Face Mask) iyo weliba in la kala fogaado.

Waxaana la sheegay in qofka isku arka Qufac qalalan, Hindhiso iyo Xumad  inuu ku ekaado gurigiisa, si uusan dad kale u qaadsiinin.

Sidoo kale, qofka isku arka ama dareemo caalamadahaas inuu si deg deg ah ula xiriiro goobaha loogu talagalay in lagula tacaalo si uu u helo qalabka muhiimka u ah cudurka sida Oxygenta iwm.

Haddaba, Covid 19, waa cudur jira oo dilaa ah si sahlanna u fida daawo rasmi ahna aan weli loo heynin, keliya in la qaato cunto isku dheelitiran oo maalin kasta ah si jirku u helo adkeysi iyo iska difaacid hargabka iyo wixii la mid ah.

Cudurka Covid 19,  maaha cudur  dadkeliya quseeya ee waa mid ku dhici kara qof kasta oo dunida jooga hadduu yahay Madow, Caddaan, Muslim, Gaal iwm mana ahan wax la dhayelsan karo waxaa loo baahan yahay in Allaah Swt la talo saarto lana dadaalo.

Dhinaca kale, waxaa jira hargab khatar ah oo aan lahayn xumad kor xanuun iyo qufac joogto ah kaasoo u baahan in caloosha la socod siiyo.

Khatarta Cudurka Covid 19 oo asal ahaan lagu yiqiin in uu ku dhaco xayawaanka ayaa haatan usoo gudbay Aadanaha, waxaadna garan kartaa in dadka dunida qaarkood ay quutaan cunto aan ahayn kuwo xalaal ah cunto caadi ahna u tahay, xayawaankaas waxaa ka mid ah, Fiidmeerta ama Kebelliga, Bisadaha ama Mukulaalaha, Eeyaha, Noocyada kala duwan ee Masaska, daanyeerta, halka doonfaarku caadi ka yahay reer galbeedka iyo reer Nasaara.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in mar waliba lagu baraarugsanaado halista cudurka  safmareenka ah ee Covid 19 iyo in laga foojignaado sababaha keena.

Mar waliba ka hortaggo wuxuu ka wanaagsan yahay ka taba tagga sidaa daraadeed waan la muujiyaa taxaddar aad u adag.

W/Q; Ibraahim (Fanax)