SHARE

Kow, Xisbigu waa koox ama dadyow isu tegey oo taageersan fikirro siyaasadeed oo ay wadaagaan dadyowgaasi.

Ujeedada iyo yoolka xisbi siyaasadeedku waxa weeye inay doortaan dadkii siyaasiyiinta ahaa ee qaban lahaa xilalka dawladnimo si ay u hirgeliyaan fikirkii ay taageerayaasha xisbigu ay aaminsan yihiin.

Arrimaha laga filayo dadka la doortay inay fuliyaan waxay noqon karaan kuwa ay ka mid yihiin cashuurta sida loo qaadayo iyo cida miisaanka cashuurtu uu fuulayo, arrimaha dagaalka iyo sidii dalka loo difaaci lahaa, waxbarashada, caafimaadka, horuumarinta kaabayaasha dhaqaale,shaqo abuurid ama kobcinta dhaqaale,xanaanayta dadka aan shaqayn karin (caafimaad daro ama itaal-daro awgeed),

warshadeynta dalka ama horuumarinta wax soo saarka mid beero iyo mid xoolaadba, ilaalinta amniga dadka,kontaraagyada dadku wada galaan oo sharci lagu ilaaliyo, distoorka oo lagu dhaqmo, sinaan sharciga loo wada siman yahay, xaquuqda qofka oo la ilaaliyo, khayraadka dalka oo aanay koox qudhi aanay ku takrifalin,sharciga wadankoo noqdo muraayad uu qof waliba iska arki karo, iyo arrimo badan oo kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin.

Ta labaad, Xisbiyada siyaasadu waxay noqon karaan kuwo yaryar iyo kuwo waaweynba, kuwo gobolada ka jira iyo kuwo dalkoo dhan ka jiraba. Marka ololaha doorashadu jirto xisbi kastaa waxuu dadka u soo ban dhigaa hadafka iyo siyaasada u dalka ku dhaqi lahaa iyagoo si xor ah oo xalaal ah u taratamaya.

Hadaba, waqtigii ilbaxnimada dadyowga Giriiga ee lagu astaameeyo fikirkan Dimuquraadiyada may jiri jirin waxa xisbinimo la yidhaahdaa. Waxa iyana xusid mudan, Boqortooyadii Roomaanka oo burburtay sanadku markuu ahaa ( A.D 476) inaanay iyaduna lahaan jirin wax dhisma ah oo xisbinmo ahi, laakiin ay dadkaas Boqortooyada ku noolaa ay fikir ahaan u kala jabsanaayeen labo qaybood oo danahoodu iska soo horjeedeen: Guurtidii Boqortooyada ( Senate of ancient Romans) waxay u kala qaybsanaayeen kuwo taagersan danaha boqorka ( Patricians) iyo kuwo taagersan gancsatada iyo dabaqada wax haysata ( Plebeians).

Oo fahanoo mushkiladu waxay ahayd intee cashuur ah baa boqorku dadka wax haysta uu ka uruurin karaa, markaas dabaqada hoose ee xoogsatada ahi xisaabtaba kumay jirin. Dadyowga ururada xisbiyada asal ahaan raadiyaa waxay isku af garteen inay fikirka xisbi samayntu ay halkaas ku aroorto, in kastoo wax xisbinimo la yidhaahdaa aanay waqtigaas abuurmin.

Xisbinamada dhabta ahi waxay bilaabantay qarnigii todoba iyo tobnaad( 1600s) oo waxa sabab looga dhigaa gar ahaan ( 1678) shirqoolkii diimeysnaa ee la odhan jirey Boobish( Popish plot) ee ka dhacay dalka Ingiriiska. Halkaas oo xildhibaanadii Golaha wakiiladu ay kula jabeen qaar boqorka awoodiisa badan ka soo horjeeda oo loo yaqaaney Wiigis( Petitioers or Whigs ..waa magac Scotish) iyo kuwii Boqor Charles II taabicsanaa oo loo yaqaaney Tooris( abhorrers or Tories … waa magac Irish).

 

Qarnigii sideed iyo tobnaad( 1700s) waxa dalka Maraykanka oo markaas xornimadiisa gaadhey ka samaysmay labo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo uu midna aaminsan yahay dawladnimo Fideraal ah, halka ka kalena kasoo horjeedey Fideraalnimada. Sanadkii 1796 ayaa koox uu ka mid ahaa ninkii la odhan jirey Jefferson oo ka soo horjeedey fideraalnimada ay ku dhawaaqeen xisbiga Democratic- Republic ee iminka loo yaqaano Democratic Party.

Sanadku markuu ahaa 1828 baa la doortay madaxwenihii la odhan jirey Andrew Jackson oo ka mid ahaa xisbigaas Democratic-Republic party, dabadeed kuwii fideraalnimada hore aaminsanaa, oo markaas mucaarid ku ahaa madaxweyne Jackson baa iyaguna xisbi samaystay la yidhaado National Republican(Whig) oo ah xisbiga iminka loo yaqaano Republican Party. Hadaynu si kale u dhigno xisbiga Democratic-gu waxuu ka shidaal qaadanayey kacdoonkii ama kacaankii Faransiiska  (French Revolution) oo waxuu u doodayey beeraleyda, iyo shaqaalaha farsamo yaqaanada ah.

 

Waqtigan xaadirka ah Xisbiga Republican-Ku waxuu ku wajahan yahay inaan tijaarta cashuur badan laga qaadin waayo buu leeyahay iyagaa shaqadaba abuura ( trickle down ecomonics), oo markaas waa  inay shaqaaluhu ay cashuurta inteeda badan bixiyaan, waxay kaloo aaminsan yihiin inay dawladu faraha kala baxdo arrimaha noolasha dadka, oo ay cashuurta yarayso, oo aanay kharash badan ku bixin arrimaha bulshada sida tacliinta, caafimaadka iyo waxii la mid ah.

Ugu danbeytii, waxay aaminsan yihiin inay dawladu ay saamaynta ugu yar ku yeelato arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Xisbiga kale ee Dimuquraadiguna waxuu aaminsan yahay inay cashuurta ugu badan ay bixiyaan maalqabeenada iyo Warshedleydu, oo isla markaas cashuurta laga dhimo dadka shaqaalaha ah ee nolol maalmeedka la tacaalaya, iyo in waxbarashada , caafimaadka iyo kaabayaasha bulshada sida barwaaqo sooranka bulshada( welfare state) ay dawladu tacab geliso, si loo hirgeliyo ummad cadaalad iyo dhaqaaleba u siman.

Waxay kale oo aaminsan yihiin inay dawladu xeerar, sharciyo iyo xakamaynba ay ku yeelato arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkaba. Hadaynu isku soo wada xoorino ismaan dhaafka ka dhex jira (class conflict), xisbina waxuu u doodayaa kuwa wax haysta iyo maalqabeenada, xisbiga kalena waxuu u doodayaa shaqaalaha iyo xoogsatada.

In kastoo sidii loo kala hororsanayey codbixiyayaasha ay iminka labadii qoloba ay u xaglinayaan dhinaca maalqabeenada ilaaiyo laga soo bilaabo Madaxweyne Clinton (USA)iyo Raysal wasaare Tony Blair(UK).

Aan ku soo dhowaado, xisbiyada Soomaalida   fikir siyaasadaysan ma hayaan ee waxay ku ololeeyaan dano iyo siyaasado dabada laga riixayo oo wadamo kale taageeraan  iyo tolaay yaa reer hebelaa.

Kursiga waxa loo doontaa maanta waa maalinteenii ee aynu markeena boobno iyo booba yaa wadani. tollaaydaas baa kursiga lagu raadiyaa , Sababtuna wax kale maaha ee fikirkii bay xisbiyadu ka caydhoobeen, oo ay ka agoomoobeen, oo ay ka arradan yihiin. Xayeysiintooda ugu weyni waa reer hebel dalka haysta, qof kasta huguriga ayaa u indho iyo dhegoba noqday. Aragti fog xisbi lehi ma jiro waa arki maysid xisbi ka hadlaya danta bulshadda sida . Waxbarashadii, caafimaadkii,

W/ Q: Cali Cabdullaahi