SHARE

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Aqalka hoose Soomaaliya mudane,Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muuddey ayaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisuba ugu mahad celiyay dib u yagleelidda Dowladnimada Soomaaliya iyo sida weyn ee ay ugu qeyb qaateen.

Mudane, Muuddeey oo xalay ka hadlayay munaasabadda Xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya Magaalada Carta ee Dijbouti Sanadkii 2000, ayaa sheegay in aysan marnaba illaawi doonin abaalka ay ugu galeen Walalahooda Jabuuti.

Guddoomiyaha ayaa u mahad-celiyay Wasiirka Warfaafitnta dhaqanka iyo dalxiisaka mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Wasaarada Dhalanyarada iyo ciyaaraha marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye oo soo abaabulay munaasabadda xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya ee Dalka Jabuuti Sanadkii 2000.