SHARE

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yareey” oo ay ku shaacisay nooca doorasho ay dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey oo shalay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo, kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididdiilo leh oo xigta.” ayaa lagu yiri qoraalka QM.