SHARE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa Khubad ka jeediyay Taallada Daljirka dahsoon oo ah halka uu ka socdo Banaanbax lagu taageerayo ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Dalka.

Cumar Filish oo la hadlaayay Boqolaal Dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka dahsoon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka matalaadda ku siiyeen Gobolka Banaadi.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayna muhiim tahay in Aqalka Sare Kuraas laga siiyo, isagoo xusay in tallaaba geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Magaalada Muqdisho waa Hooyada Magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa Magaalada Dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana Hooyada Calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.