SHARE

Diyaaradda Somali Airlines waxay ahayd diyaarad leh astaantii Calanka qaranka  Soomaaliya, taasi oo xarunteeda sare ahayd Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Diyaarada Soomaaliya waxaa la aasaasay sanadkii 1964dii waxayna duulimaadyo ku samayn jirtey wadanka dhexdiisa iyo dibaddiisaba.

Shirkadda Somali Airline ayaa lahayd diyaarado dhowr ah oo ka howl gali jiray gobollada dalka iyo dibadda, taasoo loogu adeegi jiray shacabka soomaaliyeed.

Somali Airline waxay xarunteedu ahayd magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya, waxayna isticmaali jirtay dhamaan Garoomada Diyaaradeed ee ku yaala dalka.

Shaqaalle isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa ka shaqeyn jiray shirkadda oo sanadihii ugu dambeeyay aad loo ballaariyay qeybaheeda kala duwan.

Somali airline waxay ka mid ahayd hantidii soomaaliyeed  ee lagu waayay  burburkii ka dhacay dalka iyo Colaadihii sokeeye.

Bishii Novenmber sanadii 2013kii ayaa markii ugu horeysay Dowlada Soomaaliya waxay ku dhawaqday in dib loo soo celin doono shirkaddii Somali Airline, ka dib wada hadallo dhex marey Wasiirkii Gadiidka Duulista Hawada ee xiligaasi iyo shirkad laga leeyahay Dalka Switzerland.

Mudaddaasi ka dib waxaa  qalabka warbaahinta dalka laga maqli jiray waxaa la howlgalin doonaa dhawaan diyaaradii Somali Airline,wasiir kasta oo wasaaradda Gaadiidka Hawada loo magcaabay wuxuu warbixin  ka siiyaa  dhegaha shacabka  halka ay mareyso dib u howlgalinta Somali Airline.

Haddaba, maxaa hortaagan,waa maxayse caqabadaha ku horgudban in la soo celiyo diyaaradii Shirkaddii Somali Airline oo ka mid ah astaantii qaranka  soomaliyeed?

Dal kasta oo caalamka ka mid ah waxaa  uu leeyahay Shirkad diyaaradeed oo leh astaanta qaran oo lagu garto dalka laga leeyahay diyaaradda, in kastoo ay jiraan shirkado kale oo Privet ah ama gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya caalamka.

Intii dalka uu burburka ku jiray waxaa duulimaadka rayidka gacanta ku haayay shirkado gaar loo leeyahay, kuwaasi oo meel wanaagsan soo gaarsiiyay adeegga duulimaadka Diyaaradaha dalka, balse waxaa loo baahan yahay in la helo shirkadii qaranku lahaa ee Somali Airline.

Weli waxaan tabeynaa oo niyadda ku heynaa adeeggii aan marnaba la ilaawi Karin ee ay ummadda soomaalyeed u heysay shirkaddaan mugga iyo magaca weyn ku lahayd dalka.

Waxaan mar kale iyo mar kale ka codsaneynaa dowladda la mahdiyay ee Nabad iyo Nolol inay xoogga saaraan soo celinta diyaaradda iyo shirkaddii qaban jirtay adeeggaas, waxayna noqon doontaa wax qabadkii ugu weynaa ee la mahdiyo soo celinta shirkaddaasi oo dadbadan oo soomaali ah ay niyadda ku hayaan.

W/D: Osman Dhiblaawe.