SHARE

Ileysku waa mid ka mid ah waxyaabaha mucjisada ah ee lala abuuray dunida, isla markaana uusan sinaba uga maarmin aadanuhu, waxaana xilli kasta barbar socday hindisaha iftiin  dad samee ah oo ka dhashay horumarka uu dadku  ku tallaabsaday mudada fog ee uu jiray.

Marka laga yimaado ileyska dabiiciga ah sida cadceedda iyo dayaxa ee uu Alle ku qurxiyay dunida, waxaa kaloo jira ileys kale oo laga dhaliyo qoraxda iyo kuwo ku shaqeeya aaladaha korontada ee isticmaala mishiinnada, kuwaas oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka, gaar ahaan sugidda nabadgelyada iyo waxyaabaha kale  oo ku tiirsan dhaqdhaqaaqa bulshada iyo gaadiidka.

Haddaba, Maxay tahay sababaha kallifay in laga seexdo dayactirka iyo habeynta Nalalka iyo tiirarka baalayaasha ah ee suran waddooyinka magaalada, yeeyse sugayaan in ay u istaagaan howlahaasi?.

Waddooyinka oo ah halbowlaha ama lafdhabarka ay bulshadu u maraan adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha iyo kuwo kale oo aan looga maarmin habsami u socodka howlaha dowladnimo, waxaa xilligaan qaar badan ka muuqda dayactir la’aan soo wajahday dhanka nalalka ama leyrarka, ka dib muddo dhowr sano ah oo ka soo wareegatay markii jidadka Muqdisho lagu xiray tiirarka ama baalayaasha ku shaqeeya ileyska cadceedda.

Quruxda magaalo waxaa aasaas u ah  waddooyin waasac ah oo lagu suntay nalal ama leyrar, taasoo  ka qeyb qaadan karta  bilicda, gaar ahaan waqtigaan oo shacabku ay daneynayaan in la soo celiyo karaamadii ay lahaan jirtay caasimadda. waxaana waajib ah in laga shaqeeyo sidii loo suurta gelin lahaa soo nooleynta aaladaha wax ifiya ee ku xiran dhaqdhaqaaqyada saacidda nolosha .

Dhanka kale iftiinka ayaa ah mid gacan ka geysan kara sugidda nabad gelyada, gaar ahaan xilliyada habeenkii oo la tilmaamo in ay soo ifbaxaan tacaddiyada lala beegsado dadweynaha iyo ciidamada, waxaana iska cad in dayactirka leyrarka aan sinaba looga maarmin howlgalada lagu baacsanaayo cid kasta oo faraha la gasha falal xasilooni darrro ah.

Waan ognahay in ay maqan yihiin adeegyo badan, isla markaana dayactirka nalalka ku shaqeeya Cadceedda & sugidda amnigu ay yihiin kuwo iskaabaya oo u baahan Waddooyin dhisan oo leh adeegyadii aasaasiga ahaa.

Waxaa  habboon  in magaalada Muqdisho ay muraayad u noqoto  magaalooyinka kale ee dalka, balsea ma aha in Mugdi fara badan uu ka  muuqdo,  waaana in xoogga la saaro dayactirka waddooyinka  waaweyn, isla markaana  lagu qurxiyo aaladaha wax ifiya, kuwaas oo gacan ka geysan kara fududeynta socodka gawaarida iyo kan dadweynaha.

Amni sugan waxa uu ka dambeeyaa magaalo shidan oo ay ka muuqdaan bilicda ay keenaan leyrarka, taasina waa howl  muhiim ah inta badan looga fadhiyo in ay ku dhaqaaqdo dowladda si loo helo adeegyada iskaabaya ee dayactirka iyo sugidda nabad gelyada.

Waa  wax iska fudud in lagu dhaqaaqo wax kasta oo loo arko in ay keenayaan  barnaamijyo horumar ah, balse waxa ay u baahan tahay in laga dhabeeyo, sla markaana lagu  sameeyo  dabagal si loo gaaro yoolka ama hadafka ah in lagu guuleysto barnaamijyadaasi loo arkay kuwo miro dhal ah oo kaabaya adeegyada bulshada.

W/Qoray: Shire Xasan Kulmiye.