SHARE

Muqdisho, waa magaala madaxda dalka soomaaliya, waxaana mar waliba loo baahan yahay in ay ahaato mid isku dheelli tiran dhan waliba, haddeey noqon lahayd waddooyinka, nadaafadda, guud ahaan bilicda caasimadda ay u baahan tahay in leyska saaro xil, si ay caasimadda u noqoto muraayaddii qaranka iyo Afrika.

Waa jiraan waddooyin xoogga la saaray oo wax laga qabtay hase yeeshee, weli waxaan aragnaa in ay jiraan waddooyin burbursan, kuwo bacaad duugay iyo kuwo ay fadhiistaan biyaha roobka, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto siiba waddooyinka Via Moosko ee xiriirisa ceelgaabta ilaa suuqa beerta, Barxadda Via Egito iyo meelo kale oo biyahu fadhiistaan, gawaariduna ay kala kulmaan dhibaato aad u badan.

Laamiyada Caasimadda qaarkood waxaad ku arkeysaa, burbur lixaad leh, sida godod waa weyn oo ay sababeen roobabka iyo shirkadaha qaarkood oo dhulka jeex jeexa, isla markaana isaga taga iyagoon si wanaagsan u dayac tirin.

Waddooyinka qaarkood, waxay gabeen in la haweysto maritaankooda, waayo waxay isu beddeleen godod iyo bacaad aan la geli Karin, taasi waxay gaadiidka ku kaliftaa in ay sameeyaan wareeg aad u dheer.

Waxaa jirta in mararka qaarkood gaadiid si meyr la’aan oo xad dhaaf ah loo soo raray, in ay ku gaddoomayaan waddooyinka burbursan, taasoo mar waliba sabab u noqon karta qasaarahan ganacsatada iyo gaadiidleyda.

Inkastoo dowladda Turkiga oo aan walaalaha nahay ay dayactir ku sameeysay qaar ka mid ah wadooyinka magaalo madaxda ee Moqadisho, haddana waxaad arkaysaa waddooyin badan oo aan wali helin dayac tirkii ay u baahnaayeen ayna adag tahay in si sahlan ay gaadiidka u maraan, sida waddada aadda dhanka iyo afgooye.

sidoo kale, waddada loo yaqaano wadnaha, iyo Soddonka iyo weliba tan warshadaha meelaha qaar bacaad ayaa labada dhinac ka degay, tan aadda shabeellada dhexe, gaar ahaa Muqdisho iyo Balcad inta u dhaxeysa iyo wixii dhaafsiisanba, in kastoo sida aan horay usoo sheegnay qeyb yar oo ka mid ah waddooyinka caasimadda dayactir heleen, haddana waddooyin  sida aadka ah gaadiidku u isticmaalaan waxaa lagu arkayaa bacaad iyo qashin waxaana halkaas ka muuqda dayacaad aad u baahsan. Taasoo sabab u noqon karta in uu gaariga ku qallibmo.

Meelaha qaarkoodna waxaaba xiray gaadiidka waa weyn oo si aan hagaagsaneyn loo dhigay waddooyinka, waxaan qiil qiil gala maritaanka waddada, waxaana sida badan lagu arki karaa wadada gasha dekedda Xamar  siiba labada buundo oo haatan quus laga taagan yahay ciriiriga ay ku hayaan gawaaridaas waa weyn.

Dhanka kale, waxaa jiray mararka qaar gaadiidley iska uruurin jiray lacag si ay  isaga daboolaan godadka, laakiin waayadaan dambe way yaraadeen raggii isxilqaami jiray.

Dowladda hal mar ma wada  sameyn karto dalka oo dhan, sidaa daraadeed ganac satadu waa inay ka shaqeeyaan dhismaha iyo horumarka dalka oo aysan ku haleynin dowladda oo keliya.

Sidoo kale, marar badan waxaa isku dhac ka yimaadaa gaadiidleyda iyo shacabka deggan xaafadaha, waayo gaadiidku markuu waayo waddo uu ku mushaaxo dantu waxay ku qasbeysaa in uu maro  waddo qardo jeex ah oo dhexmarta xaafadaha taasoo iyadana sababta isku dhac gaadiidlayda iyo dadka xaafadahaasi degan , kadib marka ay dadyowga xaafadaha deggan ay dhagax ku gooyaan waddooyinka hor mara iyagoo ka baqa in ilmahooda baaburta ka jiiraan.

Bulshooy Dal walbo waxaa dhisa dadkiisa, bahweynta Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in ay usoo jeestaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen oo aysan sugin Cid kale.

Haddaba, si looga baaqsado, shilal ka dhaca waddooyinka waa in lahelaa fikir oranaya maxaa dhici kara? waa in loo helaa waddo kasta shaqaale suga nadaafadda waddooyinka, waxaa dowlad iyo shacaba nagu waajib ah  inaan ka qeyb qaadanno  dib u habeynta bilicda magaalada caasimadda ah  ee Muqdisho.

Waa hubaal, haddii leysu kaashado in ay wax badan iska beddeli doonaan dhismaha waddooyinka,Nadaafadda iyo guud ahaanba bilicda iyo quraxda caasimadda.

W/Q:  Osman Dhiblaawe