SHARE

Macallinka Soomaaliyeed, Waa midka sida toos ah ula dirira cadowga weyn ee jahliga wuxuuna ku dilaa Qalinkiisa oo ka kulul rasaasta ka dhacda qoryaha, meeshii uu Macallin joogana Jahligu wuu ka didaa, waayo Macallinku wuxuu ku hubeysan yahay Cilmigii Jahliga lagu xasuuqi lahaa, marka meel ma wada geli karaan Aqoon iyo Jahli.

Haddba tabaha Macallinku u adeegsado siduu Ardaydiisu ugaarsiin lahaa fariinta Waxbarasho ee uu xambaarsan yahay ugu ridi lahaa qalbiga ardayga ayaa ah mid macallinka loo soo tababaray.

Mahadi ha ka gaadhee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ayaa Amaantaasi muteysatay, Wasaaradda Waxbarashada ayeey hoos tagaan dhammaan Macallmiinta Soomaaliyeed.

Macallinka Soomaaliyeed waa mujaahid dhexda u xirtay la dagaalanka aqoon-darrida iyo Jahliga oo ah cadowga ugu weyn ee qof bini’aadam ahi yeelan karo.

Abaalka Macallinka maaha mid si sahlan loo gudi karo, waayo wuxuu Waqtigiisa iyo Cumrigiisaba  inta badan ku bixiyaa  inuu soo saaro Arday Soomaaliyeed oo Cilmi iyo Aqoon ku filan leh, wax tarna u yeelan kara berito ugargaaridaa Waalidiintiisa iyo weliba Dalka, Dadka iyo Diintaba anfaca.

Marka Macallinku maaha wax sahlan, Ardayda Dugsiyada Qur’aanka way u duceeyaan macallinkooda oo waxay yiraahdaan (Macallinkeenna Alloow dhoor, Macallinkiisana Alloow dhoor).

Sidoo kale, Kooxaha fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo kaalin had iyo jeer la dul taagan heeso lagu guubaabinayo Macallinka iyo Ardayga Soomaaliyeed, Kooxaha Fannaaniinta waxay ka qaataan doworkooda Wacyigelineed, sidii Ardayga Soomaaliyeed loogu tilmaami lahaa faa’iidada Waxbarashadu u leedahay, iyo midkaan aan wax baran sida uu nolosha ugu saaqido, uguna danbeeyo in uu ahaado dulli derbiyo jiif ah, Tuug Dadka dhaca haddana dhiba iyo shaxaadle maalinba meel taagan, ugu dambeyntiina Dadka waxay ku tilmaamaan Inuu nolosha ka dhacay.

Markii la ogaaday faa’iidada Waxbarashadu leedahay ayaa waxaa loo sameeyay Wasaarad u nasab sheegata Waxbarashada iyo Barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta waa Wasaarad ka tirsan Wasaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna Wasaaraddu u madax bannaan tahay howlaheeda Shaqo.

Wasaaradda Waxbarasha, Waa isha horumarka iyo Aqoonta, waana Warshadii Aqoon-yahannada Soomaaliyeed soo saareysay.

Sidaa darteed, Wasaaraddaan waxaa saran xil culus xilkaasoo ah mid Ummadda Soomaaliyeed muhiim u ah, waana Wasaarad howlaheedu badan yihiin loogana baahan yahay min Gobol ilaa Tuulo in ay koontoroosho habka iyo heerka Wax-barasho ee Degmo kasta ee ka tirsan Dalkeenna Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada, waxay Wasaarad  u tahay Macallimiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed, Macallin kastana wuxuu Macallin ku yahay Aqoontiisa iyo Ardaydiisa.

Qiimaha Macallinka Soomaaliyeed, maaahan wax la soo koobi karo,

Macallimiinta Soomaaliyeed mid Diinta dhiga iyo Mid maadiga dhigaba waxay mudan yihiin in la weyneeyo oo la karaameeyo loona Agaasimo siday ahaan  jireen beri-samaadkii, waxayna mudan yihiin  in xilweyn layska saaro maalintooda qiimaha iyo qaayaha ku leh Dalkeenna sida la sheego Macallinku waa Waalidkii labaad  ee Ubad leeyahay waana indhihii Ummadda, Macallin la’aantiisna Ninna horumar ma gaareen, Macallin hadduusan na barin Alif wax maleh.

Ilaah waxaan uga baryeyna in uu u naxariisto dembigoodana dhaafo Jannooyinkiisana ugu deeqo Sheikh Yuusuf Al-Kowneyn  iyo dhammaan intii ka qeybqaadatay horumarinta hingaadda,

Maashaa Allaah, Nabaddu waa shey qaali ah Nabad la’aanina waa Nolol la’aan, markaad aragto Ardaydii Soomaaliyeed oo Subax waliba u jarmaadeya Dugsiyada kala duwan ee dalkeenna, waxaa nafsaddada buuxinaya farxad iyo weliba rayn-rayn, sida loo dayac tiray Dugsiyadii Dalka, waxaa gaadhay guushaas Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya.

Haddaan dib u eegno, dhaq-dhaqaaqii ugu fiicnaa ee Waxbarasho, wuxuu ahaa Ololihii Horumarinta Reer Miyiga oo ahaa markii ay Soomaaliya gaadhay heerka ugu sarreeya dhanka Waxbarashada oo ay ku soo biireen Dad badan oo aan wax qori jirin waxna akhrin jirin, ayaa Ololaahaasi uu u ahaa ifiin u soo baxay halmar.

Howshaasi inay hirgasho waxaa guntiga dhiisha isaga dhigay Macallimiin iyo Arday Soomaaliyeed kuwaasoo aan ku tilmaami karo Naftood hureyaal u guntay inay in ay u bareeraan la dagaallanka Jahliga,  ku waasoo Jahligii ugu galay meel kasta oo jiq mugdi ah, uu ku dhuuman jiray jahliga.

W/Q: Osman Dhiblaawe