SHARE

Soomaalidu waxay nasiib u yeelatay is faham dhan walba leh, maadaama ay yihiin dad isku dhaqan isku diin iyo isku af intaba ah, maadaama dunida inteeda kale aan sidaan ugu horreyno soo ma habboona inaan ka shaqeeyno horumarka dalka iyo diinteenna suuban oo ah wadada badbaadada adduun iyo aakhiraba.

Adduunyada labo waddo ayaa furan, Waddada kheyrka badbaadada iyo horumarka iyo wadada halaagga iyo baaba’a, waddadani waxay ku magac dheer tahay waddada madoow, waxayna ka bilaabataa eexda qoyska oo ah labada xaas oo laqabo oo loo kala eexdo iyo wiilka iyo gabarta la dhalay oo loo kala eexdo , deris xumo iyo diin la’aan, qabyaalad iyo duulaamo sokeeye, waxaa intaa dheer ku dhaqanka diinta oo laga leexdo ee ma ahan diinta Muslimka wax afka uun laga sheegto oo lagu cadeysto balse waa ku dhaqan iyo raacid wixii ay ku fareyso oo si dhab ah loo qaataa, waa in talaab kastoo la qadayo lagu dabaqaa laguna saleeyaa ku dhaqanka diinta taasoo ah wadada bad baadada lagana fogaado midda liddigeeda ah ee halaaga.

Haddii aan dhaqankeena oo dhan ku saleeyno diinta Islaamka ee Ilaahay nagu arsaaqay waxaynu gaaraynaa horumar dhan walba ah adduun iyo aakhiro.

Haddaba, Soomaaliyey dib u fiiri waddooyinkii aan soo marnay maxaa sax ah maxaase qalad ah, waxaa qalad ah in la qaado wadada madow iyadoo naga hormuqada wadada xaqqa ah ee Ilaahay noo jideeyey maritaankeeda wanaagga isjaceylka iyo walaaltinimada laga helayo.

Waxaan wada ognahay umad kasta oo ku dhaqanta inay horumar ku gaareyso Liibaanta adduunyo iyo Liibaanta aakhiro, ma jirto wax kaloo Ilaahay naga rabo, sidaa daraadeed meel kastoo aan ka joogno dunidan dusheeda Soomaaliyey aan gacmaha is qabsano ilaahayna aan isu dhiibno oo aan wada towbad keenno si aan u helno cafis dhab ah, aan la nimaadno towba dhab ah si Alle inooga cafiyo gefafkii badnaa ee aan isu geysanay, sabatoo ah gacmaheenna, caqligeenna iyo hantidenna Ayaan isku dhibaateynay.

Ugu dambeyntii Soomaaliyey waxaa inoo ballan ah wax wada qabsi iyo innagoo usoo wada jeedsana dhismaha dalkeena iyo inagoo iska ilowna danaheena khaaska ah una soo jeedsana middeena guud taas Ayaan ka dhex helaynaa midda gaarka ah, adduunka waa la waayey cid danteeda gaarka ah ku gaarta horumar waara, mar haddii sidaa ay tahay waxaa inagu waajib ah inaad uwada istaagno danta guud ee naga wada dhexeeysa, way nagu filan  tahay afartan sano oo dib u dhac ah yaynaan u noqon oo yeynaan aqbalin dib u dhac dambe wakhti badan baa naga qasaaraye.

Soomaali waa gacal waa godin iyo daabkeed, geed sare u baxay iyo guudka miro ku yaaliyo salka oo gargaare naga daaya gobol gobol gunnimo ha u horseedinoo dalka yaan la kala goyn, gacmo wadajiraa nahay, bidixdoo gar gartiyo waa gacantaada midigoo waxay guul ku gaarta is gar gaarsi weeye dalka yaan la kala goyn, meel aan gama laheyn iyo gudcur ha u horseedin, guul waxay ku gaarta midnimo laysku geeyiyo is gargaarsi weeye dalka yaan la kala goyn ee naga daaya gobolleysiga.

W/Q: C/salaam Axmed Gabeyre.