SHARE

 

Ruuxna kuma qasbi kartid in uu ku jeclaado laakiin waxaad sameyn kartaa  in aad noqoto qof la jeclaado, wixi ka soo hara  dadka kale ayay u taal.

Qaangaarnimada dhabta ah ma aha in aad sanooyin badan noolaato ee Qaangaarnimdu waa markii qof ku dhibaateeyo aad isku daydo inaad garato sababta kuu keentay dhibtiisa, halkii aad ku mashquuli lahayd in aad ka Aargoosato.

Si taxadar leh u dhageyso kuna raaxayso markuu qof wax kaaga sheegayo qof kale, tani  waxaad ka baran doontaa xirfadaha dadka u kala hadla dadka kale, waxaadna ahaan doontaa marjaca iyo guriga loo soo aado xanta iyo xaqdhawr la’aanta.

Si ay maalintaada u noqoto mid khayr wadata oo danahaad lahayd kuu wada qabsoomaan waxay ku xiran tahay Subaxda hore wixii aad ku biloowdo, haddii aad ku bilowdo war dhagaysasho, Facebook isticmaal, Email qoris, ku bilow Salaadda iyo sujuudda Rabbi, si ay umuurahaaga u fududaadaan

Haddii aadan garan dhibta nolosha kaa haysata, isku qabo indhahaaga, si tartiib ah u neefso, kor u taag gacmahaaga ka dibna dheh: Ilaahow adiga ayay wax kasta gacmahaaga ku jiraan, wax kastana qorshahaaga ku socdaan, wax kastana sababtaadeey ku dhacaane ilaahoow igu caawi waddada toosan ee aan uga gudbi lahaa .

Sifo Kasta oo wanaagsan qof kastaa wuu jecel yahay in lagu sheego, xitaa haddii uu yahay dadka xun kan ugu sii xun, laakiin waxaa baraatikada nolosh lagu ogaaday qofkii sifooyin wanaagsan oo uusan lahayn la huwiyo in uu ku dadaali doono sidii uu u yeelan lahaa sifadaas Qurxoon ee lagu sheegay

Haka murugoon haddii dad badan oo aad abaal u gashay ay kugu jisaaraan ama ay cadaw kugu noqdaan, kaliya soo xusuuso in Alle ay ku caasiyeen umado dhan oo uu Abaal u galay, maxaad marka filanaysaa adigoo ah Miskiin Taagdaran oo insaan ah

Dadka qaar ma eegaan waxa ku soo fool leh Mustaqbalka soo socda, laakiin waxay isaga mashquulaan hadba maalintaas waxa ay haystaan ama ay heli karaan, kamana walwalaan wax soo socda, laakin dad waxaa jira aan arkin xaaladda iyo maalinta ay joogaan, oo kaliya arka mustaqbalka iyo waxa uu u soo sido kamana nabad galaan Cudurrada halista ah sida Sokorowga iyo Dhiig karka.

Hantida dhabta ah waa caafimaadka, ee ma ahan xoogaaga dahabka ah ama lacagta adag ee aad haysato, ogoow lacagtu waxay kuu iibin kartaa sariir Qaali ah oo aad ku seexato ee kuma iibsan kartid Hurdada.

Haddii aad dadka kula nool aad xaqdhawrto waxaan shaki ku jirin in ay iyaguna markooda ku ixtiraamayaan, Laakiin aad ku dhibto afkaaga iyo adinkaaga shaki ma lahan in aad adigana halis ugu jirto geeri iyo Dhaawac degdega ah oo kugu soo dariya

Ibedelka Dunida waxaa keena isbedelka dadka iyo dabeecadhooda, sidoo kale aqoonta oo kororta isbedel ayay keentaa, laakiin aqoon darada iyo jahligu qofkii ay dugaashadaan isbedelka ay u keenaan waa murug aan dhamaan.

Dadnimada iyo dareenku ma ahan in aad taqaan sida aad u noolaato noloshaan Aduun oo kaliya, balse Dadnimada runta ah waa in aadan ku qasaarin Nolosha Dambe Ee Aakhiro.

Adigoo xaas leh haddii aad is aragto in ay ku soo jiidanayaan Gabdhaha Iskuulka ka dhigta xaafaddaada kaliya xaaskaaga u iibi Dharka iskoolka. sidaas waxaa yiri: Madaxweyne afrikaan ah oo aan magaciisa haatan Xusuusan.

W/Q: C/risaaq Axmed Absuge