SHARE

Haddii aan ka soo qaadno abaabul badan iyo diyaarinta Ciidamada waa mid uu xaq u leeyahay Qaran kasta inuu ilaaliyo xuduudihiisa iyo deegaamada hoos yimaada guud ahaan waddanka oo dhan.

Haddaba, buuq badan ayaa ka dhashay oo ka imaanaya cadowga Soomaaliyeed markii la geeyey Ciidamada Soomaaliyeed degmooyinka Balad xaawo, Doolow iyo kuwo oo ka wada tirsan gobolka Gedo, kuwaasoo ah gobollo Soomaaliyeed.

Waxaa wax lalayaabo ah in lagu tilmaamo Ciidamadaas kuwo weerar iyo gardarro ku socda, waxaa ciidamadaas si sharci ah ugu badalay dowladda Soomaaliyeed oo iyada mas’uul ka ah guud ahaan gayiga Soomaaliya oo idil.

Iyadoo ay waajib tahay difaacidda dalka hooyo maxay ku dhacday in dad Soomaali sheeganaya ay ka xumaadaan ilaalinta Ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed isla markaasna dacaayado lagu furo Adduunka oo dhan sida Social mediyaha iyo guud ahaan war baahinta noocyadeeda kala duwan.

Haddaba waxaan u qaadanaynaa dadka noocaas ah inay ka xun yihiin kobaca dowlidnimada Soomaaliyeed iyo awooddeeda oo ka dhex muuqata dowladaha Caalamka, waxaa kaloo muuqaneysa inay cadowga garabkiisa yihiin iyo inay taabacsan yihiin shisheeyaha cadowga Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo ka fiirinaya dano siyaasadeed oo iyaga u gaar ah kana fakaraya wax hoose dan guudna shaqadooda aheyn inuu taaba galo qaran Soomaaliyeedna ka hor marinaya tooda gaarka ah.

Soomaalidu waxay ogtahay illaa iyo soo gelitaanka gumaystihii 1935ki, waxaa jiray shakhsiyaad Soomaali sheeganaya gumeystuhuna daba dhilif u ahaa oo u shaqeynayey sir ahaan iyo xoog ahaan intaba.

Iyadoo maanta uu adduunku gaaray horumar tiknooloojiyad casri ah aqoontuna intii hore ka ballaaran tahay wacyiga dadkuna aad u kordhay ayaa waxaa jira tabcanayaasha shisheeye iyo gumeysi kal kaalka , iyagoo ku shaqeynaya qalab casri ah oo ka dhib yar kii hore ay ku shaqeyn jireen, waxaana aad u badan qaababka ay adeegsanayaan haba u badnaatee qoraallada ay ku faafinayaan websaydyada, idaacadaha iyo guud ahaan baraha bulshada oo ah midda uga daran ee ay adeegsadaan taasoo bulshadu aad u isticmaasho dad badanna lagu siro, dadkaas waxay u badan yihiin ma xishoodayaal kuwaasoo shaqadooda oo dhan ay noqotay lugooyo iyo hagardaamo liddi ku ah siyaasadda iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed sida amniga, garsoorka iyo kala dambeynta oo ku baaha guud ahaan waddanka.

Kuwa sidaa u fakaraya waxay ku shaqeeyaan iska horkeenka bulshada soomaaliyeed ee hadda ka soo kabaneysa burburkii iyo dagaalladii sokeeye oo in muddo ah la daala dhacayeen, waxaana taa daliil u ah ka hor imaadka go’aannada goloyaasha dowladda, dhisidda maamullada oo ay magacyo been ah u bixiyaan iyagoo waxtarka iyo kaalinta dowladda si kale u micneynaya iyagoo ugu yeeraya magacyo kala duwan oo ula jeedaan inay suura xumeeyaan maamulka halkaas ka hana qaaday.

Waxaa wax laga xumaado ah in siyaasiga iyo aqoon yahanku ay u horseedaan dadka iyo dalka dhibaatooyin hor leh, dadka soo dalkiisi ma aha oo dadka soo dadkiisi ma aha? Berri ayaa laga yaaba madax ka noqdo.

 

Haddaba, waa maxay danta ugu jirta nin sheeganaya aqoonyahan siyaasi ah inuu u horseedo dalkiisa iyo dadkiisa dhibaatooyin hor leh soo ma oga in ay u qormayso taariikhda iyo ruux walbo iyo wuxuu shaqeysto xummaan iyo wanaag, ummadduna ay wax walbo ogyihiin ruuxii wanaag u sameeya waddanka iyo kii wax qarriba ay kala yaqaanaan soo ma oga waxa maanta ku kacayo in berri layweydiin karo xitaa Maxakamad ku mutaysankaro?.

Waxaa aad u wanaagsan naftaada in aad ku tusaaleyso xisaab inay jirto gerada horteedna ka ilaali naftaada gardarrada iyo dhibaataynta ummaddaada.

Haddi waddanka ay ka hanaqaado dowlad awood leh berito ayaa xil laguu dooran kara waxaana u baahan tahay saaxiibo kula shaqeeya iyo waddanniyiin soomaaliyeed oo hareeraha kula qabta danta guud, dadaal haku bixinin oo haku dadaalin dayaacayadaha raqiiska ah iyo dhibaataynta shacabka soomaaliyeed, ha dhigan oo iska ilaali abaal darrada hana geysan daknooyinka mid gacan iyo mid afka ah iskana jir af xumada, waxaana Soomaalidu ku maah maahdaa: afxumo nabadna waykaa wadaa colna wax kaagama tarto , wanaaga uun wax ku doon wakhti ku bixi tilmaamaha fiican wanaajinta ummadda iyo wax tarkeeda, guul darro waa godob sokeeye, soomaalidu waa walaal waxba kalama leh, caanuhu waxay subag ku dhalaan wax isu quur iyo adigaa mudan iyo mayee adaa mudan, waxay kaloo soomaalidu tiraahda gaclo waa gacmo isdhaafay.

Waxaan kusoo gabo gabeynayaa qormadaan suugaan gaaban ama gabay lamagac baxay dadlka soo burburi maayo.

Haddaan dowlad noqon weyno dalka soo burburimaayo duunyada soo dhamaa meyso daaraha soo laweyn maayo duur joogta soo dhammaan meyso degelkeena soomaali haddaan ciidan lagu deyrin gobonnimada dayac weeyee dalka yaa difaacaaya yaa doonta noo taagan diirradeeda qabanaaya yaa dabaasha garanaaya cirka yaa damoonaaya badda yaa dul joogaaya xudduudda yaa difaacaaya yaa duceysan oo jooga daba dhilifka soo duulay dersi yaa u dhigaaya yaa horumar doonaaya yaa dib u dhac diidaaya dowlidnimo haddaan diidno ka darroo dibi dhal weeyaane cadow soo na duban maayo.

W/Q: Abwaan Gabeyre