SHARE

Barigii ay burcad badeeddu ku xooganeed qaar kamida xeebaha dalka ayaa nin iska reer miyi ah , oo magaciisa “cali” la yiraahdaahi ,wuxuu ku biirey qolo badda u socatay oo rabay inay markab soo qafaashaan.

Cali miyiga wuxuu ugu soo tagey hooyadii oo xanuunsan, da’deeduna  aad u wayneed ilmana asaga kaligii ka dhashay, xoolana aan laheyn markii laga reebo bidhaan yaroo ari ah, xilligu wuxuu ahaa jiilaal kal-dambeed ah oo ay xooluhu badi ruqdeen, dadkuna macaluul iyo gaajo la dacdaraysnaa oo qadyaan la taagnaa, hay’adaha deeqaha bixiyana loo qayla-dhaaminayay oo gargaar la haybinayay.

Cali iyo kooxdiisii markii ay dhowr casho badda ku jireen ayay markab arkeen , isla markiiba intay weerar ku ekeeyeen bay soo afduubteen.

Markii ay xeebaha soomaaliya keeneen ayay madax-furasho waydiisteen  qoladii markabka la hayd.

In si deg-deg ah loo siiyo, waxaana kheylo dhaan afka labadiisa daan yeeray kabtankii isagoo leh war joojiya war joojiya oo hana wax yeeleeynina, waa laydiin siinaya waxaa rabtaan.

Intaasi kadib burcaddii waxay kabtanka u sheegeen in amarku yahay mid afduub ah, loona baahan yahay in markabku iska bixiyo qidmada afduubka.

Kabtanka oo ay ka muuqato cabsi daran ayaa yiri, waa imisa lacagta aad naga rabtaan, waxayna jawaabtu noqotay $ 50,000,000 (Konton Milyan oo Doollor) kabtankii ayaa arrinkaasi ka qaaday sas iyo argagax, wuxuuna garan waayay si uu uga jawaabo  weydiisashadaasi aadka u culus, wuxuuna yiri bal fursad isiiya waxaan la hadlayaa milkiileyaasha markabka.

Markii ay kheyla dhaantu gaadhay milkiileyaashii markabka ayaa waxay burcadda ka codsadeen inuu la hadlo afhayeenka kooxda si ay arrinta isula meel dhigaan.

Burcaddu way akhbaleen arrinkaasi, waxayna u xilsaarteen doonistooda hal afhayeen oo aan laga daba hadli Karin, wuxuu soo qaado.

Sheekadu markii ay halkaasi mareysay ayaa waxaa leysaga dhax baxay afhayeenkii burcadda iyo milkiileyaashii markabka, waxaana lagu ballamay in maalinta talaadada ah ee soo socota ay isugu yimaadaan warar sugan iyo sidii wax meel la isula dhigi lahaa, waxayna milkiileyaasha codsadeen in la nabad geliyo kabtanka iyo shaqaalaha markabka, loona fududeeyo wixii baahidooda ah, burcaddiina way aqbaleen intaasi.

La soco qeyb kale.

W/Q: Osman Dhiblaawe.