SHARE

Ciyaarta ayaa aheyd in ay dhacdo Arbacadii laakiin waa la hakiyay ka dib markii shaqaalaha Gunners ay xiriir la sameeyeen milkiilaha kooxda Olympiacos

Premier League ayaa go’aansaday inuu dib u dhigo kulanka Arbacada ee u dhexeeya Manchester City iyo Arsenal ee ku saabsan cabsida coronavirus laga qabo darteed.

Warar ayaa sheegaya in ciyaartoyda kooxda Guners la karatiilayo iyadoo laagu cabsi qabo COVID-19 madaama ay la kulmeen Milkiilaha Kooxda Olympiacos.

Go’aanka dib loogu dhigayo ciyaarta ayaa la sameeyay ka dib markii la shaaciyay in shaqaalaha Arsenal ay xiriir la sameeyeen milkiilaha kooxda Olympiacos, Evangelos Marinakis, kaasoo laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)