SHARE

Kooxaha Barca iyo Napoli ayaa ciyaaray Tartanka Koobka kooxaha Yurub ee UCL.

Ciyaartaan oo ka dhacday gagida caanka ee San Paolo , Barca oo marti aheeyd ayaa waxaa ka maqnaa ciyaatooy dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:- L.Suarez, Osmane Dambele, J.Alba iyo Sergio Roberto, hasa yeeshee kamaysan faa’ideeyan marti galiyaasha ee Napolitano.

Daqiiqaddi 30aad ee ciyaarta ayey Napoli heshay goolka kowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Mertens.

Balse Barca ayaa bar-bareeysay daqiiqaddii 57aad ee ciyaarta ka hor in aana Vidal ciyaarta laga saarin ka dib markiii kaarka cas loo taagay, waxaana u dhaliyay goolka ciyaaryahan Antoine Griezmann, goolkaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee ay Barcelona ku dhaliso meel ka baxsan garoonkeeda tartanka kooxaha Yurub uuna u dhaliyo ciyaaryahan aan Messi aheeyn tan iyo intii May15, 2015-kii markaana waxaa u dhaliyay ciyaaryahan Neymar.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-1 iyadoo la sugi doona garooonka Cam Nou March18 ee sanadaan.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)