SHARE

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea oo ku sugan garoonkeeda Stanford Bridge ayaa waxa ay marti galisay kooxda Bayern oo ay u jabanyhiin kooxaha ka dhisan waqooyiga London iyadoo seddexdii kulan ee ugu dambeesay ay ka dhalisay 15 gool.

Ciyaarta oo qeeybta kowaad lagu kala baxay bar-baro goolal la’aan ah, ayaa qeeybta labaad markii leysugu soo laabtay waxaa Baryen goolkeeda kowaad siiyay laacibkii hore ee Arsenal Serge Gnabry ka dib kubad si qurux badan ugu dhubtay Robert Lewandowski Chelsea oo aan heeyn abood ay isag celiso Bayern ayaa waxaa kan labaad ka dhaliyay isla Serge Gnabry waxaana markale caawimaaddiisa lahaa ciyaaryahan Robert Lewandowski .

Chelsea oo is dhiibtay iyo Munich oo abood sare ku socoto ayaa markale Munich ay heshaygoolkeeda seddexaad ee ciyaarta waxaan u dhaliyay caawiyihii labada gool ee Robert Lewandowski.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay Chelsea 0-3 Bayern Munich.

 

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)