SHARE

Blaugrana ayaa ku guuleysatay inay weeraryahan dheeri ah ku soo darto safkooda ka dib markii ay ku guul darreeysteen Ousmane Dembele iyo Luis Suarez ka soo kabashada dhaawacyadii soo gaaray

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in ay la soo wareegtay weraryahanka reer Denmark Martin Braithwaite oo ay kala soo wareegeen Leganes 18 milyan euro.

Braithwaite ayaa heshiis afar sano ah la galay kooxda heysata horyaalnimada Spain, iyadoo heshiiskiisa lagu burburin  karo 300 milyan euro.

Blaugrana ayaa sheegtay in ay la wareegtay Braitwaite subaxnimadii Khamiista, waxaana si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa Camp Nou maalinta soo aadan.

28-sano jirkan ayaa si rasmi ah ugu soo dhaqaaqay kooxda Leganes isagoo ka yimid Middlesbrough xagaagii 2019-kii, isagoo lix bilood oo amaah ah oo uu ku qaatay Estadio Municipal de Butarque.

 

Braithwaite wuxuu ahaa mid ka dhex muuqday safka Javier Aguirre, isagoo dhaliyay lix gool 24 kulan oo La Liga ah oo uu saftay.

Waxaa hada loogu in uu gacan ka geysan doono dadaalka ay Barca ugu jirto hanashada horyaalkii seddexaad oo isku xiga iyo hanashada Champions League, waxaana laga yaabaa inuu safto kulankiisa ugu horeya ee sabtida ee ay la ciyaarayaan Eibar.

 

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)