SHARE

Weeraryahanka reer Argentina ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin oo xitaa wuxuu ku laaban karaa Italy xilli ciyaareedka soo socda

Wakiilka Mauro Icardi ahna xaaskiisa ee Wanda Nara ayaan ogeyn hadii xidigga amaahda ku jooga kooxda Paris Saint-Germain uu sii joogi doona caasimadda Faransiiska ama uu ku laaban doono kooxda mulkiyaddiisa leh ee Inter iyadoo lala xiriirinayo Juventus.

Icardi ayaa amaah kula jooga kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ee PSG, taasoo leh fursad ay heshiis joogta ah ugula wareegaan lacag dhan 70 milyan euro dhamaadka xilli ciyaareedka.

 

Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaanan dooneynin in Antonio Conte uu kula midoobo Inter ololaha xilli ciyaareedka 2019-20-ka, isagoona u dhaqaaqistiisa PSG uu dhaliyay 19 gool tartamada oo dhan.

cardi, oo dhaliyay kaliya labo gool 12-kii kulan ee u dambeysay, ayaa horey uga hadlay rabitaankiisa ah inuu sii joogo PSG laakiin Nara ayaa sheegtay inaysan hubin waxa mustaqbalku ku eg yahay.

“Mauro ma aadi doonaa Juventus? Xaqiiqdi ma ogi,” ayeey Nara u sheegtay majaladda Chi.

“Ma aqaano haddii xilli ciyaareedka soo socda aan ku laaban donna Milan ama aan joogi donna  Paris, waxa dhici doono ma ogaan kartid” ayeey sii raacisay Nara.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)