SHARE

Odeygii ceebla’ Aabbaheed ahaa  oo markiisii horeba ahaa nin madax adag oo go’aamo qalafsan looga bartay, sidoo kalena ahaa mara ku dhag macangag ah oo wax allaaliyo wixii uu damco  aan sinaba uga tanaasulin,  cidkaloo uu dhageysto ama go’aamadiisa wax ka beddali kartayna aanay jirini  wuxuu colaad iyo naceyb uu  cukaash iyo qabiilkiisaba uqabay  awgood  u qaaday  go’aan  cajiib ah  oo uu asagu xal moodayay balse  aanay ceebla’  iyo hooyadeedba ku farxin,    go’aankaasoo ahaa inuu ceebla’  ku mehrin  doono  odey kaloo asaga ay qaraabo ahaayeen  oo  gabow aawadii  ay indha baarkooda iyo  maadadkuba cirro ula caddaadeen,raganimo la shinsadaahina aanay  ka muuqan balse  qabyaalad iyo naceyb cukaash loo qabo loogu xishey , daroo dibi dhal arrintii  waa sii cakirantay  xaabo iyo basiin ayaanu  go’aankaasi  ku sii daray  dabkii  awalba qiiqaamayey .

Ceebla’  waxaa go’aanka Aabbaheed  si sir ah ugu sheegtay   afadii  yareed ee uu odeygu qabay ,taasoo aanu waxba ka qarsan jirin waxayna  gashey  xaalad murugsan oo labo daran mid dooro ah: waa midda  horee inay cukaash isaga qanacdo oo uu masaafo  ula baxo illeen sikale looguma  ogolee , iyo midda labaadoo ah inay odeyga yeesho  oo ay  go’aanka Aabbaheed uhugaansanto, mana aanu jirin qorshe kale oo ay maanka ku haysay,sidoo kalena ma aanay ogeyn  haba yaraa cid   ay coloolyowga  haysta usheegato  oo u garaabi kartaahi, waxayna xaaladdeedu noqatay  mid la cayna  waloohowgii uu qabay gabyaagii tiriyey gabayga ay beydadkiisa kamid yihiin”inkastood caloolxuma qabtoo ciil la dubayowdo, inkastoy noloshu cakirantahey calafna loo waayo, inkastood cadceedii gashaba curado soo duugto,  casiiskeena mooyee cidkaloo  loo cabtaan jirine”:                                                                                                                                                  cebla’ cunno iyo cabitaanba waa udhadhami waayeen waxaan ka soo harey; fakar dheer oo maahsanaan ah, isla hadal, iyo kambaruursi aamusnaani ku jirto  oo aan horey looga baran midabkeediina waa isbadalay oo wajigeedii sida dayaxa u nuuri jirey  wuxuu noqday shiil madow  oo sida muufe tanaarka jil dhacaya haryuub iyo qamandhacona ay gun iyo baar dabooleen  , qof walboo  arkaahina  uu sida  dugaaga uga jinbanaya,hooyadeed ma moogeyn walwalka  ay gabadheedu la jandhagtay waxayse isku dayeysay inay ku laab qaboojiso niyaddana ugu dajiso  sheekooyin hore oo billowgoodii muruga badnaa balse markii illaahey fududeeyey oo guulo ku dhamaaday, taasoo ay ugu dan laheyd inaanay ceebla’ degdegine ay is dajido intii laga hubinayo in odeygu go’aankiisa ka dhabeeyo iyo inkale.

Cukaash asaga mushkuladdaasoo dhanba war iyo wacaal toona uma hayne wuxuu islahaa inanta adigaa hantay ninkalena naayaa ma oran doono wuxuuna diyaarsaday waxkastoo  dadab-galka lagama maarmaan u ahaa sida: aqal laba daryaalaa,gabbaatigii uu bixin lahaa, iyo geel badan oo uu yarad ahaan u qorsheeyey balse wuxuu ka dhur sugayey xilli roobaadka  dayrta oo markaa dhowr cishe uni ay dhimanaayeen, xilligaasoo inta badan reer guuraaga soomaalidu ay is  aroosaan.

Dhowr caana maal ka dib waa reerkii soo dul fariistay odeygii ceebla’ loo banqaaday oo geel aan badnayn iyo gabbaatiba ku raran timaha soo cillaansaday si aan cirradiisa sida xooshka u cad looga didin,waxaana la socday barbaar iyo hablo wada gaashaan qaad ah oo uu ugu talo-galay inay inta dadab-galka iyo meherka lagu jiro heelada iyo dhaantada u cayaaraan  hadhow ay gabadha  iyo asagaba deegaankoodii usii galbiyaan.

Reerkii labo ayuu ukala jabay oo waxay ukala safteen ceebla’ iyo hooyadeedoo dhinaca iyo odeygii oo taageero ka helaya wiilashii  qaarka kamida oo gabbaatigu ucarfayey una malabsanayey iyo odeygii gabadha soo doonay, labo geed oo dhowr tillaabo isku jira ayaa qoloba mid waabatay xaajona way cakirantay   oo waa la kala carooday, waxay arrintii qarka ufooshey in reerkiiyoo dhami uu dumo oo meesha lagu kala tago, odeyga go’aankiisu wuxuu ahaa inuu gabadha qasab ku guuriyo habartu waxay sameyn karto ha sameysee, balse waxaa arrinkaa ka biyo diidanaa odeygii gabadha doonayay oo asagu jeclaa hooyada la qanciyo si looga nabad galo habaarkeeda iyo hagar daamo kaloo ay sameyn kartayba,ugu dambeyntiise waxaa aragtidii ka xoog batay  middii odeyga gabadha dhalay iyo wiilashu qabeen ee ahayd in ceebla’  qasab iyo jajuub lagu aroosiyo go’aankaas ayaana laysku raacay.

La soco qeybta 3-aad ee sheekada

 

W/Q: Liibaan Xirsi Jimcaale