SHARE

bari baa odey reer  guuraa ah oo aan geel, lo’, iyo beeroba laheyn balse ari yaroo aan 30 ka badneyn noloshiisa iyo midda ubadkiisa  ku maareyn jirey odayga wuxuu u  safray  magaalo ilaa 70km ujirtay meeshii uu deggenaa wuxuuna  horey usii kaxaystay 3ax neef ee arigiisa ugu shilisnaa(ugu buurnaa) si uu reerkiisa raashin iyo dhar ay ku arad baxaanba ugu soo iibiyo.

ka dib habeen  uu sii dhaxay  ayuu magaalada galay xilli aroor hora ah, sayladda ayuu isla markiiba arigii geeyay oo  dallaal uma dhiibane asaga ayaa is dul taagey, macarifo xumadiisa iyo suuqoo aanu wax badan ka ogeyn ayaa kaliftay inuu arigiisu sayladda ku raago, maalintii oo dhan ayuu meeshii la taagnaa asagoo daalka iyo gaajada uu qabo aan la qayaasi Karin.

Dadkii kale ee sayladda yimid intay dallaal udhiibteen ayaa durbadiiba loo gadey oo ay raashin iibsadeen magaladiina ka carraabeen, asaguse wuxuu islahaa dallaal uma baahnid oo wuxuu ku tashanayay qibrad yaroo uu helay 30 sano ka hor xilli uu Wasaaradda Xannaadada Xoolaha la shaqeynayay kumase filnayn maxaa yeelay suuqu wuxuu leeyahey xeelado gaar ah oo qofkii aan ku baraarugsaneyni caqabado kala kulmayo.

Wuxuu Neefafkii ag taagnaadoba xilli casri gaaban ah ayuu qiimo jaban oo aanu fileyn ku muraadeeyey wuxuuse ninkii ganacsada ahaa ee ariga ka iibsanayay   u sheegay inaanu imminka lacag hayn balse uu ayadoo  kaash ah bari siin doono caawana uu asaga la hoydo asna wuu oggolaaday.

habeenkii  guri fillaa oo uu ganacsaduhu lahaa ayay tageen casho heer sare ahna waa sameeyey,markii ay casheeyeen ayuu ganacsadihii  yiri “waar kollay nin daalan baa tahaye iska seexo aniga qaad baa ii yaalloo waxaan rabaa inaan marqaamee”, wuxuu ugu jawaabay “daal badani ima hayee cabbaar aanu iska sheekeysano”,”waa yahaye kol haddaanad seexanayn aan qaad kuu diro” ayuu ugu hal-celiyey  asagoo foojigan balse beer laxowsi muujinaya si daran u eegaya odeygiina “waa yahey” buu  ku yiri,islamarkiiba wiil yar ayuu uyeeray oo uu marduuf qaada udiray.

Markii jaadka loo keenay ayaa waxaa ubilowday wada sheekaysi dheer iyo marqaan aan caadi aheyn,wuxuuse ganacsuduhu mar mar ku mashquulayey facebook-ga oo ay asxaab fara badani kala soo hadlayeen heeso qaaraamiyana wuu dhageysanayey.odeygii waxaa ka yaabiyey moobilka casrigaa iyo facebook-ga uu ninka ganacsadahaahi hadba dhinac u rogayey,waxaase taa ugu sii darnaa markii gogashii ay ku qayilayeen ay  soo fariisteen odayaal uu miyiga ku yaqiin baryose magaalada joogey oo midwaliba moobeel taaj ah wato facebook-na ugu jiro oo eeg eegaya,meeshii ayay isku waraysteen waxaanay wax ka waydiiyeen reerihii xoolihii maadaama asagu ugu dambeeyey miyiga,asagase waxaa ku adkaatay oo uu jawaab uwaayey su’aasha ah “facebook maleedahey”?.

fakar dheer iyo aamusnaan ayuu galay sheekadii marqaankana lax dhukani abaar ka dhaga la’ ka noqday,indoora ka dib waxaa u soo baxday in hadaanu facebook  sameysan noloshiisuba aanay qeymo laheyn ariga uu sayladda keenayna waxba dhaamin,xilli dambe ayey qaadkii dhameysteen wuxuuna seexday qol asaga loo diyaariyey mase gam’ine siduu hadba dhinac ugu rogmanayey  ayaa waagii ubaryay waxaana maankiisa ruxaysay su’aasha ah “xillimaad facebook sameysaneysaa?”.

subaxdii ayay asaga iyo ganacsadihii wada quraacdeen waxayna u dhaqaaqeen dukaankii uu lacagta ariga uga qaadi lahaa,jidka intay sii marayeen ayaa odeygii wuxuu yiri “tolow bahalkaa yaree moobilkaa imisaa la iibiyaa?”,ganacsadihiina wuxuu ku yiri “$150 doolar kaliya” “xagee baa lagu gadaa?” ayuu yiri odeygii asna wuxuu ku yiri “dukaanka aan imminka usocano”,wuxuu qaaday go’aan deg-dega wuxuuna ku yiri “war bal horta kaagaanoo kale dukaanka iiga qaad wixii lacagta ariga iiga soo hara waanu arkeynaaye” ganacsadihiina sidii ayuu yeelay maxaa yeelay awalba wuxuu jeclaa inaanu lacag kaash ah dhiibine uu badeecada dukaanka taal ariga ku badasho.

odeygii markii moobeelkii la siiyey waxaa lacagtii ariga uga hartay $15  doolar oo kaliya hayeeshee meeshii laga rabay inuu reerkii raashin yar ugu qaado,wuxuu ku gadatay memory heeso ka buuxaan iyo soolar jiko leh oo moobeelka laga dabeeyo(lagu jaad gareeyo) sidaas ayuuna galabtii magaalada uga caraabay asagoo aan reerkii raashin kale iskaba daaye aan tumin sonkora u sidin.

fiidkii ayuu reerkii tagey  dayax bay aheyde markii ay ilmihii  ayay  meel aqalka cabbaar ujirta uga hortageen ayagoo isleh Aabbe dhar iyo raashin ayuu idiin sidaa hayeeshee mar allaale markii ay arkeen inaanu waxba sidin ayaa midwaliba carom eel iskula tuurey islaantiina canaan iyo dhagax tuur ayay isugu dartay,dariskii ayaa qayladoodii ku soo baxay asagii ayaana aad loo canaantay oo la ceebeeyey islaantiina la maslaxeeyey oo raashin yaroo ay darisku usoo aruuriyeen ayaa loo keenay si ay ilmaha dabka ugu saarto.

Odeygu islaanta carootay,ubadkiisa baahida la jandhagsan, iyo dariska isku soo baxayba dhib uma arkeyn maxaa yeelay daroogadii qaadka ayaa waliba jirkiisa ku jirtay heesihii moobeelka ka buuxayna wuu ku foognaa(ku mashquulsanaa) ilmihiina inkastoo ay markii hore odeyga ka xanaaqeen hadana ku soo xoomeen moobeelkii oo ay aad ula yaabanaayeen ,habeen iyo maalin markii asaga ,islaantii,iyo caruurtiiba ay heesihii dhageysanayeen howlihii kale reerkuna ay dayacmeen ayaa moobeelkii dab la’aan udamey,hayeeshee  soolarkii oo ay jikadii batariga lagu dabeyn lahaa ku xiran tahey  ayaa cadceed yiil,odeyguna wuxuu damacsanaa maadaama uu moobeel,memory,iyo soolar chager lehba soo gatay inuu safarka labaad ee uu magaalada ku tago facebook soo sameysto laf internet ahna soo iibsado.

`markii uu moobeelkii damey ayuu islaantii udhiibey oo ku yiri ”orod jikada gali”wuxuuna ula jeeday jikada soolarka ee batariga lagu dabeeyo,illeen waa islaan baadiyee jikada badarka lagu karsado inuu sheegayo ayey mooday markaasay dab tubaala ku dhax riday moobeelkii sidaas ayuu ku qaraxay odeygii ayaa goor dambe is yiri moobeelkii wuu dabeysmaye soo qaado wuuse waayey islaantii ayuu weydiiyey markaasay ku tiri  maadaan I oran  jikada dabka ku rid,bhadalkaa markuu maqalay ayuu oolyada iyo biyaha isku darey  (qafiifey) oo dadka aa dabka dabka aa in doora ku celceliyey, xilligaa ka dambena waxaa la sheegey in odeyga maskaxdiisu aanay caadi aheyn oo uu yara fududaaday.

W/Q:Liibaan Xirsi jimcaale