Nasiibka iyo Garashada Galmudug waa kala gooni!!!

Nasiibka iyo Garashada Galmudug waa kala gooni!!!

768
0
SHARE

Intii lasoo dhisayey maamul gobolleedyo wali ma arag nasiibka Galmudug mid la mid ah maamul Gobolleed yeeshay, laakiin haddii aad garan weyso nasiibkii Ilaahay ku siiyey oo garashadu ay kaa lunto kuna xisaabtimi weydo waxaad la mid noqoneysaa kuwii ilaahay nimcooyinkiisa ku shukrin waayey ka dibna loogu badalay ciqaab.

Haddaba, waxaa taa cadeyn u ah maamul u sameynta Galmudug ee hadda lagu howlan yahay taasoo nasiib u heshay Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah oo qudhiisa kasoo jeeda Galmudug isla markaana la jacel oo doonaya in laga dhiso maamul adag oo loo dhan yahay laguna xiisaabtamo, maadaama ay tahay deegaannadii uu kasoo jeeday.

Sidoo kale, R/wasaaraha XFS ayaa la mid ah, isla markaana guntiga dhiisha isaga dhigay sidii looga dhisi lahaa Galmudug maamul caddaalad ku dhisan oo deegaannadaasna u horseeda barwaaqo iyo horumar ay tiigsadaan shacabka ku nool kuna dhaqan.

Intaa waxaa sii dheer inay nasiib u heshay qaar ka mid ah Wasiirrada, Xildhibaannada labada aqal iyo waxgarad fara badan inay ka soo jeedaan Galmudug, daneenayanna inay hesho Galmudug maamul xooggan oo dhameystiran.

Nasiibkaas aadka u faraha weyn oo  ay maanta heystaan reer Galmudug, haddii ay ka faa’iideysan waayaan waa mid aan dib dambe u soo mari doonin, waxaase Soomaalidu ku maah-maahdaa (Tuke nasiib uu caanuhu ku arko wuu leeyahay laakiinse nasiib uu ku cabo ma leh), waayo qarka ayuu ugu istaagayaa weelkii uu caanaha ku jiray kadibna caanihii way daataan.

Haddii ay qaataan reer Galmudug talooyinka soo socda oo ku fakiraan caqli saliim ah oo aysan ku jirin xasad iyo isnaceyb isriix riix iyo wax kala maroorsi oo ay fahmaan haddiyadda qaaliga ah ee Ilaahay ku maneystay kuna tashadaan inay nabad kuwada naaloodaan, carrurtooduna ay helaan waxbarasho iyo nolol fiican oo hurumar leh, waana inaad labadiina gacmood ku sameysaan oo aad ku raadisaan xalka Galmudug, labada Gacmood ee Ilaahay idin siiyey oo midna nabadda iyo horumarka ku qaataan midda kalena sharta iyo cadaalad darrada kula dagaalantaan.

Inta samaha jacel oo dhan waxay soo dhaweyn doonaan qof kasta oo u wada talooyin wax tar  iyo horumarba leh, waxayna iska celin doonaan hud-hudka iyo isku diraha, kala fogeeyaha bulshada nabadda iyo noloshaba la dagaalamaya.

Midka damaca weyn ee raadinaya qoondo gaar ah iyo beenaalayaasha qabyaaladda ku adeegta oo dadka kala geeya dhibaatayana Ummadda Soomaaliyeed kuna dhawaaqa inuu xaq ka maqan yahay oo sidaa shacabka ku beer laxawsada, dha-dhama doonka iyo laaluush qaatayaasha wixii loo keenna qalinka ku duuga.

Dadyowga ku dhaqan deegaannada Galmudug waxay caan ku yihiin laguna yaqaan Isfahan iyo isxog-baarasho, maskax furnaan iyo feejignaasho,taasoo ulajeedadeedu tahay inay garan karaan dabeyl kasta dhinaca ay ka heyso,ama u socoto, mana ahan dad shakhsiyaad dan gaar ah leh ay wareerin karaan, waa dad garasha dheer.

Sidaa daraadeed,  waxaa laga   filayaa  in ay  meel iska  saari doonaan shaqsi  kasta  oo  aan wadin danahooda guud.

Haddaba, maadaama ay yihiin dad nasiib badan u yeeshay arrimahan is biirsaday ee aan kasoo hadalnay, waxaa lagama maarmaan ah in wax garadka iyo aqoonyahanada iyo dhammaan dadka siyaasadda indha-indheeya waxaa la gudboon inay taariikhda ay quruxsadaan, baal dahab ahna ay ka galaan maadaama ay heystaan dowlad Soomaaliyeed oo hiil iyo hooba la garab taagan.

Soomaalida waxay ku maah-maahda ‘’Cirku maruu da’ayaa la doogtaa’’ haddii maanta aad ka faa’iideysan weydaan daruurta korkiina taagan oo aad dhan kasta wax ugu sheegi kartaan, haddii ay tahay dhanka mas’uuliyadda, Maamulnimada iyo Soomaalinimada, deegaan iyo odaynimo aad xaq ugu leedihiin, isku dheelmasho iyo Isfahan, haddii aad maanta sameyn weydaan waa ayaan darro weyn.

haddiise aad usoo jeesataan oo aad garab u noqotaan Madaxda Qaranka oo maanta idin heelan wax walbo gacantiina ayey ku jiraan, reer Galmudogow is garabsada oo guushiina ku raadiya iskaashi iyo wax wada qabsi iyo midnimo kuna fariisiya Cadaalad iyo garsoor xaq ah, wax ku qeybsada tanasulaad iyo wax isu quur, xalku maanta hoostiinuu yaala ee ha is carqaldeynina dhexdiina, iska ilaaliya Qof iyo Qoys raba sad bursi iyo wax dheeraad ah oo uusan xaq u laheyn ee kaashada Rabbigiin iyo madaxdiina idin jacel oo u hiiliya horumarka deegaanadiina, wixii maanta idinka halaaba eedeeda idinka uun baa leh oo yeelanayo mas’uuliydeeda.

Hiil iyo hooba hareeraha ayaa la idin kala taagan yahaye la imaada talo hufan iyo Qarannimo, Qoys iyo Qabiil cidina ma deeqaane.

Qoraa: C/salaam Axmed Gabeyre