Warshaduhu waa horumarka Dalka

Warshaduhu waa horumarka Dalka

339
0
SHARE

Sida aan wada ognahay waddanka Soomaaliya waa waddan hodan ku ah xagga beerashada iyo Xoolaha la dhaqdo, sidoo kale quruxda Ilaahay ku manaystay iyo dalxiiska.

Duurjoogta aadka u faraha badan oo isugu jirta kuwa wax ugaarsada iyo kuwa aan ugaarsan ayaa ka mid ah waxyaabaha uu caanka ku yahay waddankeenna, dooxooyin iyo durdurro, biyaha buuraha hoostooda iyo dushooda mara iyo nooca meelaha fog biyaha ka keena, waxaa kaloo Ilaah nagu manaystay xeeb dheer oo ku gadaaman waddanka intiisa badan oo dhererkeedu yahay 3333km, taasoo hodan ku ah Kalluunka noocyadiisa kala duwan, shidaal iyo nooc kastoo bad laga helo.

Haddaba, mar haddii Ilaahay nasiiyey waddankaas qaaliga ah soo ma habboona in dib loo howl geliyo Warshadihii dalka oo dhan haddii ay ahaan lahaayeen kuwo yar yar iyo kuwo waa weyn, sida Warshaddii hilibka ee Kismaayo, Warshaddii dhiigga iyo gowraca ee Xamar, Warshaddii Caanaha iyo middii burka iyo baastada ee Moqdisho, Warshadihii Kalluunka ee Laas-qoray iyo kuwii kale ee lagu keedin jiray Kalluunka iyo kuwo kaloo ka casrisan oo iminka la heli karo.

Warshaddii dharka ee Soomaali takis oo iyaduna aheyd warshad soo saarta dharka noocyadiisa kala duwan sida Uniformyada kala duwan haddii ay ahaan laheyd dareeska ciidamada noocyadooda kala duwan iyo sidoo kale ardayda dugsiyada hoose/ dhexe iyo sare ee waddanka.

Si kastaba ha ahaatee guud ahaan waddankan wuxuu lahaa 36 warshadood oo soo saari jiray noocyo kala duwan oo isugu jira Cunno la quuto iyo Dharka lagu labisto, iyadoo wixii dalka baahiyahiisa ka badanna dibadda loo dhoofin jiray, taasoo waxweyn kusoo kordhin jirtay dhaqaalaha waddanka.

Haddaba, waxaa loo baahan yahay in la helo khubaro dhaqaale yahan ah oo waddaniyiin Soomaaliyeed ah, uma baahna dalkeenna is u gaarsi iyo colaad taa badelkeeda waxaan u baahanahay in aan u midowno una soo jeedsanno wax soo saarka iyo wax wada qabsi wadareed si aan u gaarno horumar iyo nolol ka duwan midda hadda jirta, uma baahnin mid ay ka guuxeyso hiirtaanyo hore iyo colaad, guux qabiil iyo dakano, uruursi beelo gaar ah iyo eex, waxaanna aad iyo aad u wanaagsan inay wax ku qaataan kuwaas dhacdooyinkii xannuunka badnaa ee waddankan soo maray iyo xitaa adduunka intiisa kale kuwii soo maray.

Umadda Soomaalidu ilaa iyo qarnigii shan iyo tobnaad waxay ogtahay maamul kasta iyo shakhsiyaad kibir iyo islaweyni ku dhaqmay dhac iyo duulaamo sameeyey isbaareystay ummaddiisa, nin kastoo baad ka qaaday shacabkiisa meeshii ku dambeeyey waa la ogyahay.

Shacabka Soomaaliyeed waa mid taariikh dheer oo soo jireen ah leh, waa ummad ku fiican hoggaaminta iyo wax isu sheegga, waa ummad leh maskax furan oo fir fircoon haddii ay hesho hoggaan fiican oo caadil ah, wax badan Ayaan kaga duwan nahay ummadaha kale ee  Caalamka ku nool, waxaa si toos ah isaga war haya oo xogta kala qaata Aqoon yahanka iyo odey dhaqmeedka, midka Siyaasiga ah iyo kan geel jiraha ah intaba, ma ahan  ummaddeenna Soomaaliyeed ummad kala faanta, taana waxaa u suurta geliyey Diitooda suuban oo sidaa na fareysa nagana reebeysay in lays xaqiro layskana faanana diidday.

Sidaa daraaddeed, Sooaalidu waxay nasiib u yeelatay is faham dhan walba leh, maadaama ay yihiin dad isku dhaqan isku diin iyo isku af intaba ah, maadaama dunida inteeda kale aan sidaan ugu horreyno soo ma habboona inaan ka shaqeeyno horumarka dalka iyo diinteenna suuban oo ah wadada badbaadada adduun iyo aakhiraba.

Adduunyada labo waddo ayaa furan, Waddada kheyrka badbaadada iyo horumarka iyo wadada halaagga iyo baaba’a, waddadani waxay ku magac dheer tahay waddada madoow, waxayna ka bilaabataa eexda qoyska oo ah labada xaas oo laqabo oo loo kala eexdo iyo wiilka iyo gabarta la dhalay oo loo kala eexdo , deris xumo iyo diin la’aan, qabyaalad iyo duulaamo sokeeye, waxaa intaa dheer ku dhaqanka diinta oo laga leexdo ee ma ahan diinta Muslimka wax afka uun laga sheegto oo lagu cadeysto balse waa ku dhaqan iyo raacid wixii ay ku fareyso oo si dhab ah loo qaataa, waa in talaab kastoo la qadayo lagu dabaqaa laguna saleeyaa ku dhaqanka diinta taasoo ah wadada bad baadada lagana fogaado midda liddigeeda ah ee halaaga.

Haddii aan dhaqankeena oo dhan ku saleeyno diinta Islaamka ee Ilaahay nagu arsaaqay waxaynu gaaraynaa horumar dhan walba ah adduun iyo aakhiro.

Haddaba, Soomaaliyey dib u fiiri waddooyinkii aan soo marnay maxaa sax ah maxaase qalad ah, waxaa qalad ah in la qaado wadada madow iyadoo naga hormuqada wadada xaqqa ah ee Ilaahay noo jideeyey maritaankeeda wanaagga isjaceylka iyo walaaltinimada laga helayo.

Waxaan wada ognahay umad kasta oo ku dhaqanta inay horumar ku gaareyso Liibaanta adduunyo iyo Liibaanta aakhiro, ma jirto wax kaloo Ilaahay naga rabo, sidaa daraadeed meel kastoo aan ka joogno dunidan dusheeda Soomaaliyey aan gacmaha is qabsano ilaahayna aan isu dhiibno oo aan wada towbad keenno si aan u helno cafis dhab ah, aan la nimaadno towba dhab ah si Alle inooga cafiyo gefafkii badnaa ee aan isu geysanay, sabatoo ah gacmaheenna, caqligeenna iyo hantidenna Ayaan isku dhibaateynay.

Ugu dambeyntii Soomaaliyey waxaa inoo ballan ah wax wada qabsi iyo innagoo usoo wada jeedsana dhismaha dalkeena iyo inagoo iska ilowna danaheena khaaska ah una soo jeedsana middeena guud taas Ayaan ka dhex helaynaa midda gaarka ah, adduunka waa la waayey cid danteeda gaarka ah ku gaarta horumar waara, mar haddii sidaa ay tahay waxaa inagu waajib ah inaad uwada istaagno danta guud ee naga wada dhexeeysa, way nagu filan  tahay afartan sano oo dib u dhac ah yaynaan u noqon oo yeynaan aqbalin dib u dhac dambe wakhti badan baa naga qasaaraye.

Soomaali waa gacal waa godin iyo daabkeed, geed sare u baxay iyo guudka miro ku yaaliyo salka oo gargaare naga daaya gobol gobol gunnimo ha u horseedinoo dalka yaan la kala goyn, gacmo wadajiraa nahay, bidixdoo gar gartiyo waa gacantaada midigoo waxay guul ku gaarta is gar gaarsi weeye dalka yaan la kala goyn, meel aan gama laheyn iyo gudcur ha u horseedin, guul waxay ku gaarta midnimo laysku geeyiyo is gargaarsi weeye dalka yaan la kala goyn ee naga daaya gobolleysiga.

W/Q: C/salaam Axmed Gabeyre