Damaca guracan ee Siyaasigu waa burburinta midnimada Ummadda

Damaca guracan ee Siyaasigu waa burburinta midnimada Ummadda

267
0
SHARE

Soomaalida waxay ku maahmaahda Rag damac iyo dacar uun baa dila, haddii aan arrintaas dib u fiirino dalka kastoo adduunkan dushiisa saaran oo ay ka dhashaan Ururro iyo Axsaab fara badan oo siyaasi ay gadaal ka riixayso waxay sabab u noqdaan mararka qaar  burbur iyo  midnimadii iyo wadajirka bulsha oo meesha ka baxda iyadoo ay kala jidasho iyo soo jiidashaba ay ku dhaqaaqaan ururadaas iyo axsaabtaas kala duwan oo midba midka kale kula tartamayo sidii ugu dadbadsan lahaa, taasoo bulshada ku keenta kala qeybsanaan weyn oo mararka qaar waddankaas u horseedda qalalaaso siyaasadeed.

Markii ay sidaa dhacdo waxaa durba taageero ay ka helaan bulshada qeybaha ugu daciifsan oo ay ka mid yihiin mashaqeystayaasha tuugada ah oo u taagan boobka hantida ummadda suuqyadana u taagan si ay ugu faa’iideystaan meelihii awal ay geli waayeen. Waxay kaloo ku dhaqaaqaan kala qeybinta iyo adeegsiga Qabyaaladda, waxaa kaleeto gacan ka helaan kuwo kale oo isku sheega inay yihiin ganacsato balse ah dhiigmiirato aysan u naxeynin shacabka ujedadooduna ay tahay inay magac iyo hanti ka helaan oo aan lagula xisaabtamin ganacsigooda, waxayna mar walbo ay ku fakiraan sidii ay ku leexansan lahaayeen dhaqaalihii waddan.

Kadib markii ay helaan hanti badan waxay sameystaan Ciidamo aad u badan oo iyaga daacad u ah waxayna u adeegsadaan abuurista iyo abaabul xaalad dagaal iyo xasilooni daro, waxay kaloo fuliyaan mishimo gaar ah oo ay ku fuliyaan dadka aqoonta u leh Diinta iyo Dowladnimada iyo dadka kaloo indheer garadka ah, si ay dalka uga ilaaliyaan Dowladnimo iyo horumar gaarsiiya, waxayna laayaan Culimada diinta aqoonta dheeriga ah u leh, waxay kaloo u gaarsadaan Saraakiisha Qarannimada loo taba baray, Dhaqan yaqaannada nooc walboo ay yihiin, haddii ay yihiin, Ugaasyada, Suldaannada, Garaadyada, Wabarrada iyo Malaaqyada, Nabaddoonnada beelaha iyo dhammaan wax garadka indhaha u ah Bulshada.

Sidaa darteed siyaasadaha cusub ee hadda socda waa kuwo aan huwaneyn danno Ummadeed waxaana taas caddeyn ugu filan wax yaabaha socda oo ay ka mid yihiin in siyaasad lagu doono qarxinta shacab aan waxba galabsan amaba madaafiic lala dhaco oo  lagu rido meelaha ay shacabka ku badan yihiin, iyadoo la rabo in sidaas lagu gaaro xukun iyo madaxtinimo ummadeed.

Walaalayaal maadaama ay tahay nolosha adduunka wax kooban oo ay sii jiraynin annaguna aan u joogna oo naloogu tala galay in Ilaahay (swtc) aan ku caabudno oo kaliya, soo ma haboona in aan ku salayno arrimahayaga sida islaamnimada na farayso oo aan noqono dad mar walba xusuusan aakhiradooda oo ay san ka fakirin uun adduunyo oo kaliya.

Si aan u gaarno heshiis ku saleysan sida ay qabto Shareecada Islaamka waxaa wanaagsan heshiis kastoo la gaarayo in saldhig looga dhigo Shareecada Islaamka si uu u noqdo heshiiskaas mid ku taagan tiirar adag oo marna liicin, waayo wax walboo lagu saleeyo Diinta islaamka laguna dhaqmo oo wadaas toosan oo Ilaahayna raaliga ka yahay way raagaan waana lagu diirsadaa wax walba oo wanaag iyo horumar ahna waxaa laga helaa Diinteenna muqaddaska ah, sidaa awgeed waa in wax walbo iyada aan ku saleynaa si aan u helno caddaalad iyo horumar raaga Ummaddana ay u dareento kalsooni wada gaarta qulubtooda ugana xoroobaan danayste ka dhigta jaran jaro ay siyaasada ku fuulo ka dibna bahdila oo meel cidla ah uga dhaqaaqa waddankuna u horseeda qalalaase iyo qoqobnaan siyaasadeed.

Hadaba akhristayaal siyaasigu ma ahan midkan cadowga ah oo aan soo sheegnay oo kaliya, waxaa kaloo jira Siyaasi waddani ah kana ilaaliya waddankiisa burbur dagaal iyo iska horkeen ummadeed una diida waddankiisa inuu cagta soo dhigo  cadow shisheeye iyo mid gudaha jooga ee wax qarriba intaba kuna dadaala horumarka dalkiisa iyo dadkiisa wuxuuna si toos ah u tilmaama wax Alle wixii qalad ku ah Qarannimada Umaddiisa wuxuuna si faseexo leh u sheega wadada horumarka iyo nabadda markii ay iska hor yimaadaan dantiisa gaarka ah iyo midda guud tiisa gaarka ah ayuu dib u dhigaa asigoo ilaalinaya nabadda iyo xasiloonida Ummadiisa wuxuuna ka fakiraa inaysan dhibaato ka mutaysan dadkiisa waxuuna diida arrin asiga sabab u yahay inay umaddiisa ku dhibaatowdo, wuxuuna mar walba ka fikiraa danaha guud ee ummadda ka dhaxeysa wuxuuna qalbigiisu u sheega in  beri lagu sheekeysan doon wixii maanta dhacay xumaan iyo samaan intaba, wuxuuna door bidaa in laga sheego wax wanaagsan oo ummadda dhaxal u noqda isiguna badbaado adduun iyo mid aakhiro ku helo waana waxaa laga rabo siyaasiga saxda ah.

Waxaa aad iyo aad u wanaagsanaan laheyd Soomaalidu inay dib u eegto gododkii iyo jalaafooyinkii kasoo taalaabsatay ilaa iyo gumeystihii reer Yurub iyo Ururradii kaloo watay magacyda Soomaalida marka laga reebo Ururkii dhallin yarada Soomaaliyeed ee umaddeenna u horseeday Qarannimada ee SYL.

Xisbiyadii kale ee waagaas dalka ka hanaqaaday oo dhan waxay ahaayeen kuwo lagu sameeyey Qabyaalad, duulaan iyo wax bur burin Soomaalida dhexdeeda ah kuwana waxaaba loo sameeyey oo ay ku howl galaayeen ka hortagedda iyo kala fogeynta ummadda iyo inaysan haweysan Qarannimo ummadeed oo dalkan gaaro.

Waxaana taa ku fahmi kartaa markay xoroobeen labadii Gobol, Ingriisku wuxuu qeybiyey saddexdii kale waxaana codka siiyey Odayaal iyo Siyaasi ku sheeg asiga uu sameystay asigoo ka xanaaqsan kumeel gaarka Talyaaniga loo doortay asiguna meesha ka baxay.

Shir uu la galay Odayaal Soomaaliyed oo kale inta aan Talyaanigu la dooran wuxuu ku yiri Odayaashi Soomaaliyeed Shanta Gobol ee Soomaaliyeed gacanta Ayaan ku hayaa, Afar hadda ayaan idin ku wareejinayaa midna talo ayaan ku leyahy waa Jabbuutiye, waxayna doorbideen Odayaashi Soomaaliyeed Talyaaniga oo abuuray Mashaariico yar yar ah oo dhanka Koonfurta ka sameeyey ayey ku dhaheen Ingriiska iyo Shaqo la’aantiisa inaga dhaqaajiya ma rabnee, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdaas uu sameeyey Talyaanigu:

Warshaddii dharka ee Soomaali takis, Warshaddii Sonkorta ee Isnaay biyaasa, Warshadihii sharaabka ee Itob iyo middii Alba, sidaa ayuuna codka uga qaaday Ingriisa maadaama ingriisku aan waxba sameyn, sidaa ayaana tobankii sano ee xornimo gaarsiinta loogu dhiibay laga bilaabo kontonkii illaa Lixdankii.

Balse Lama mahdin coqdaddii uu ka qaaday Ingriiska ka qaadistii laga qaaday codka  maadaama waddankii uu kala qeybiyey oo midba meel ku xiray.

W/Q: C/salaan Axmed Gabeere