GUUR KHIYAAMO GUUL MA LEH

GUUR KHIYAAMO GUUL MA LEH

451
0
SHARE

Oday Diiriye wauxuu ahaa Nin ku dhaqan Miyiga Gobollad dhexe, wuxuuna lahaa Xoolo aad u badan ka dib waxaa la galay sanad abaar ah waxaana baaba’ay Xoolihiisi oo dhan, asigoo ka fara maran xoolihii wuxuu u yimid Islaan lagu magacaabo Cibaado oo horey isu yaqaaneen, Cibaado waxay aheyd Islaan Xoolo badan heysata  oo u badan Ido, Islaaantu maysan laheyn wax Caruur ah sidaas si lamid ah maysan laheyn Nin oo waxay aheyd Garoob.

Cibaado waxaa usoo martiyey Oday Diiriye oo aad u duruufaysan wajigiisana ay ka muuqato Gaajo iyo Rafaad maadaama uu ahaa nin aan waxba heysan, Cibaado way marti-gelisay gogol fiicnna way u dhigtay oo maamuustay maadaama horay isu yaqaaneen iyada iyo oday Diiriye, aad bay usoo dhaweysay wuxuuna uga waramay Abaartii darneyd oo ku habsatay iyo sidii ay xoolihiisii ugu fara maran yahay maanta.

Iyaduna waxay uga warantay Nimcada iyo Nabad qabka ay ku naalooneyso iyo wanaaga ay Deegaaankeeda ku heysato Wan ayey u qashay hasaawe fiicanna way ku maaweelisay.

Oday Diiriye wuxuu Il gaar ah ku eegayey wannanka dulun dulceynaaye iyo Idaha aad daadka moodo ee faraha badan iyo Cibaado oo iyaduna Idaheeda kolba gees ka mareysa.

Diiriye wuxuu go’aansaday inuu codsigiisa Cibaado u gudbiyo asigoo ku oranaya Cibaado Adduun iyo dad kale midna mahayo waxaan kaa codsanayaa sida aad iisoo dhaweysay si la mid ah inan agtaada ku noolaado oo aanba kaa tegin oo waliba aan kaa helo Guur iyo wada noolaansho oo Idahan faraha badan aan geeskeyga ka ilaalsho maadaama adna aad u baahan tahay cid kula ilaalisa hantidada.

Cibaado qosol iyo dhoolo-cadeyn ayey ka bixiweysay waxayna tiri:

Diiriyow keli waa kiraahiyo oo aniguba kaalmo iyo qof aan weheshado waan u baahanahay.

Diiriye oo wankii loo qalay kolba waslad baruur leh kala soo baxaya kuna fakiraya siduu wan kale Cibaado uga qalan lahaa  ayaa markuu helay jawaabta wanaagsan ee cibaado kasoo baxday afkeeda ayaa naxdin iyo farxad awgeed inuu isla garan  wayey ayaa xitaa cadkii hilibka ahaa ee gacantiisa ku jiray ka fara baxsaday.

Haasaawuhu dhan walbaba hasoo maree waxaa ugu dambeyn kusoo gabo-gaboobey in uu Diiriye u noqdo Cibaado nin isku hela iyada iyo xoolaheeda intaba, waxaana loo yeeray Sheekh Cabdi oo Cibaado la deris ahaa si howshooda loo soo gabo-gabeeyo oo ay isu noqdaan lamaane nolosha qeybsada kolkaasna waxaa ka dhacday mashxarad, alalaas iyo farxad loo riyaaqay odayguna uu ku diirsaday Cibaadana ku  raacday.

Mar uu dar-daaran usoo jeedinayey Sheekh Cabdi ayaa wuxuu ku yiri:

Diiriyow afarbaa dushaada ah:

1-Maharkii Gabadhaan iyo maryihii ay qaadan laheyd

2-Masruufkii reerka iyo meeshuu degi lahaa

Cibaadana waxaa la yiri Ragga iyo Haweenku waa midig iyo bidix ee adiguna mas’uulbaad qaaday afar kalaa dushaada ah:

1-Kaalay

2- kari

3-Keen

4- Ka joog

Dar-daaran iyo wacdi ka dib meesha ayaa loo baneeyey Diiriye iyo Cibaado Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Xabaal iyo Ninkeeda loo kala teg, waxaana haasaawaha dib u bilaabay oday Diiriye iyo Islaantiisa Cibaado mar haddii dhaqan run ah lawada dhaqmeeyo waxaa lasoo bandhigay qodobo aan horay laysugu sheegin oo ay ka mid yihiin ruux walbo iyo dabeecaduhu uu leeyahay si qof walbo qofka kale u barto si uu u ogaado ruuxa uu la nool yahay iyo hab dhaqankiisa gaarka ah.

Diiriye ayaa ku horeeyey oo wuxuu yiri: Cibaado ha ila yaabin haddaad aragto anigoo bururay oo mindidayda aan gelshay wax alaale wixii iga hor yimaada mar marbaa la igusoo dagaa ee middaa ogow, oo ha dhayelsan waana amar Alle ee ma ahan wax anigu isyeelyeelayo, Cibaadana kolkeeda waxay  tiri aniguba sidaas oo kale ayaa wax igu soo dagaan oo waxaa laga yaabaa Anigoo alaabta oo dhan sida ayaa mararka qaar iska daadinaya.

Si kastaba ha ahaatee xeeladaha guurka ayaa waxay yihiin in la daboolo qof walba iyo ceebtiisa oo wax walbana runta laga sheego si aanay u dhicin is af garan waa taasoo iman karta haddii wax laysu duug-duugo, sida caadada ah is barasho ka dib waxaa soo baxa qof walbo iyo waxa uu yahay mana fiicna in marka horaba wax lagu dhiso khiyaano iyo wax lamid ah sida, been la isu sheego, wixii been lagu dhisana runta ayaa durba dumisa, runtuna waxbay dhistaa ee wax ma dumiso.

Sheekooyinkaan oo dhameystiran maqaalka qeybihiisa danbe ayaad kala socon doontiin Insha Allaah.

 

Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre