Waa Maxay Cudur?

Waa Maxay Cudur?

406
0
SHARE

Cudur waa wixii ka soo horjeeda caafimaad, waa wixii caafimaad darro ku soo kordhiya qofka jirkiisa, dhimirkiisa iyo xaaladdiisa bulshadeed.

Cudarradu guud ahaan, waxay u qeybsamaan laba qeybood oo waa weyn:-

1-        Cudurrada leys qaadsiiyo oo ah cudurrada faafa, sida hargabka, malaariyada, daacuunka, kaadi dhiigga, jadeecada iwm ah.

Cudurradaan laftoodu waxaa loo kala saara kuwo saf mar ah, oo mar qeybo badan oo bulshada ka mid ah ku dhaca iyo kuwo joogto ah, oo si joogto ah looga helo meelaha qaarkood sida qaaxada mallaariyada iwm.

2-        Cudurrada daaha: suda kansarka dhiig karka kaadi sokorowga iwm.

Cudurrada faafa waxay leeyihiin sababo kala duwan oo saldhig u yihiin nooleyaal kala duwan oo keeni kara cudurro kala duwan, waxaana lagu soo koobaa magac jeermis.

Jeermisku, waa noole il ma’aragti ah, oo cudur keeni kara, waxaana lagu arki karaa oo keliya qalabka Mikroskoobka ama weyneyaha.

Jermisku, wuxuu u qeybsamaa dhowr qeybood, waxaana ka mid ah:-

1-        Bakteeriyada oo ka kooban dhowr nooc marka laga eego xagga muuqaalka.

2-        Barshin jinni ama fangal, wuxuuna keena cudurrada ay ka mid yihiin: af burburka ama cabeebka iyo cuncunka saxaha iyo dharabowga ee faraha dhexdooda gala, iyo kan timaha madaxa daadiya.

3-        Hal unugle, waxaa ka mid ah deris ku nooleyaasha keena cudurrada: Mallaariyada, cudurka hurdada, iyo disenderiyada ama xaar dhiigga.

4-        Fayrus, oo ah jeermis oo aad u yar oo aan xitaa lagu arki Karin mikiriskoobka caadiga ah, sida kuwa keena cudurrada: hargabka dabeysha iyo aydhiska iwm.

Dhinaca kale, waxaad ogaataa in jeermiska oo dhan uusan cudur keenin, balse uu leeyahay faa’iido sida: kuwa lagu qamiiriyo cuntada, kuwa haraaga cuntada caloosha ka sifeeya iyo kuwa loo adeegsado daawooyinka qaarkood.

Haddaba, waxaa lagma maarmaan ah in lala dagaallamo jeermiska keena cudurrada, waxaana kamid ah siyaabaha loola dagaalami karo:

1-        Qallajinta waxyaabaha aan isticmaalno sida dharka alaabta, iyo cuntada la doonayo in muddo la keydiyo.

2-        Qaboojinta lagu sameeyo cuntada bisil sida qudaarta iyo biyaha

3-        Ileyska qorraxda iyo iftiinkeeda waxay dilaan jeermiska; sidaa awgeed waa inaan albaabada iyo daaqada u furnaa, si uu u soo galo ileyska qorraxda maalin kasta

4-        Karkarinta iyo kulaleynta lagu sameeyo cuntooyinka si jermiska looga dilo.

5-        Maadooyinka kiimikada qaarkood, waxay dilaan jeermiska sida;

Aalkolada, saliid naarta iyo daawo buluugta oo boogaha lagu dhayo.

Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan in aan sare u qaadno nadaafaddeenna shaqsi ahaaneed, midda dharka, guryaha, cuntada, goobaha dadka ku kulmaan: sida dugsiyada, xafiisyada, suuqyada iyo guuda ahaan deegaanka aan ku noolnahay oo idil.

Meelaha jirkeenna ka mid ah ee uu jeerimisku aad ugu badan yahay, waxaa ka mid ah: dabada, xubnaha taranka, kaadi mareenka, afka, sanka, gacmaha, dhuunta iyo iwm.

Sidaa darteed, waa inaan nadaafaddooda si gaar ah ugu dadaalnaa.

Nadaafadda guud ee ka hortagga cudurrada iyo jeermisyada keena cudurka, waxaa ugu weyn nadaafadda guriga, waxaana ka mid ah siyaabaha lagu xaqiijiyo guriga nadaafaddiisa waa sida:-

1-        Inuu ku yaallo meel qorraxda ay hawada ka soo geli karto.

2-        Inuu leeyahay dariishado iyo albaabo waasac ah

3-        In maalin walba la xaaqo ama la tirtiro

4-        In guriga dhexdiisa lagu tuurin wax qashin ah.

5-        In derbiyada iyo saqafka guriga laga nadiifiyo caaro caarada

6-        Waa in biyaha dharka lagu dhaqay iyo kan roobka aysan fariisan daaradda guriga dhexdiisa iyo dibaddiisa

7-        Waa in cuntada soo hartay iyo qashinkaba la aaso ama lagubo.

Dhinaca kale, waa in lalal dagaallamaa cayayaanka guriga sida: duqsiga, kaneecada, baranbarada iyo wixii la mid ah ee keena jeermisyada.

Qore: Dr. Maxamed Isaaq Mursall