SHARE

Tan iyo intii Horumarka ballaaran laga sameeyey Teknooloojiyadda Dunnida ee dhinacyada badan, gaar ahaan Warshadaha casriga ah ee soo saara noocyada kala duwan ee alaabo Gawaari, Electronic, Hub, Farsamooyin kala duwan walxo iyo maacuun IWM. Ayaa dunnida  marba marka ka dambeysay ka dhacaysay isbadelka dhanka Cimilada ah taasoo laga wal wali jiray, inkasto 2000 minilliam ay soo ifbaxday saameyn ka timid dhanka Cimillada.

Qiiqa faraha badan oo ay sii daayaan Gawaarida, Warshadaha korontada iyo Warshadaha waaweyn ee aadka u horumarsan, soona saara Hubka Nukliyeerka ah Trainnada, Gawaarida waaweyn iyo Dagaallada, ayaa ka dhalatay wasaqowga Hawada Dunida.

Waxaa waddamada wasaqeynta Hawada Dunnida kow ka ah Hindiya, Japan, Shiinaha, Ingriiska, Mareykanka, Ruushka,Faransiiska, Korea, wadamada soo koraya qaarkood oo Gawaari qiiq madow siidaaya.

Wasaqowga Badaha, Dhulka iyo hawada ayaa mooda iminka in ay isbiirsadeen,waa arrin Caalami ah balse aan xil adag layska saarin oo hadal uun ay joogtay sannooyinkan danbe.

Dhibaatada ka iman karta isbadelka Cimillada Dunnida ma ahan mid la dheysan karo Mustaqbalka.

Culimad Sayniska Dunnida ee ku xeel dheer arrimaha Hawada ayaa ka digay khatarta isbadelka Cimillada Dunnida ee kordhaysa, kuwaasoo sheegaya in haatan isbadel hor leh ku yimid heer badda ee jooga Dhulka, waxaa laga yaaba Badda in ay dhulka si weyn ugu soo caariso Mustaqbalka iyo Sannooyinka soo aadan.

Waxaa horey loo ogaa in meelihii baddu joogtay in ay hore uga sikatay, oo gudaha baddu gashay, ayadoo waxyaabo lagu garan jiray ay muuqdaan waxaa laga dhigtay dhaqan arrintan.

Si kastaba ahaate waxaa isasoo taraya Roobab xoogan oo wata dabeylo culus sow ma ahan Duufaan. Waxaa Biyuhu hafan doonaan Ingriiska, Australia,Hindiya, Indonisia, Philipine, Gobolo ka mid ah Mareykanka, Barriga Afrika, Galbeedka Afrika iyo Barriga fog.

Lama qiyasi karo sida ay noqon karto xaajada balse waa in loo toog hayaa ka feejignaanta dabeelaha xeebaha Puntland iyo Somaliland  u badnaan doono waa wax sameyntooda isbadelka Cimilladu laga dhaxlay- Roobab qabow Baraf wata iyo kuleyl xad dhaaf filo.

Wasaqowda Hawada ayaa kaga sii dartay sanadahan danbe oo Deegaanka dhibaato xoogan u geystay gubashada Geedaha taxanee timbirka wadamo badan oo loo caal waayey xitaa xakameynta deminta dhirtaasi si ba’an u gubaneysa.

Dhowr jeer ayey soo noqnoqotay gubashada duleedka magaalooyinka dhirtaasi ay ku taal iyo kuwa dibadda ku yaal ee ka fog magaalooyinka, waxaa uummiga iyo Qiiqa dhirtaasi ka soo baxday ayaa dad badani Cirri kaga dhigtay qaadashada hawada Oxygenka ee wacan, waa dhibaato hor leh oo hawada ku sii deysa Carbon monoxide.

Fanax