AHMIYADDA WADDANKA, MUWAADINKA, IYO WADDANIGA

AHMIYADDA WADDANKA, MUWAADINKA, IYO WADDANIGA

190
0
SHARE

Ummad kasta ee koonka ku nool ayaa waxay nasiib u yeesheen dal u gaar ah ee ku yaal meel ka mid ah qaaradaha dunida middood.

Waddan kasta waxa uu leeyahay astaan calan u gaar ah ee lagu garto, caasimad, xudduudo, dhul, cir iyo bad ama badwayn haddii uu dalkaas marta badda, ciidammo qalabka sida oo difaaca.

dal kasta oo xor ah ayaa waxa uu xubin ka yahay qaramada midoobay, urur goboleedyo, mid qaaradeed iyo mid urur gaar ah oo kulmiya islaamka, J/carabta, midowga afrika, midowga reer yurub sidaas oo ay tahay ayaa haddana wadamadaasi ay leeyihiin lacag u gaar ah Amplium iyo muusik astaanta calankooda.

Waddan kasata waxa uu leeyahay maamul xukuumadeed,  Baarlamaan, maxkamad sare, madaxwayne, hogaamiye, boqor iwm, iyo dastuur u gaar ah iyo sharciyo waddan kasta habka maamulka dowladnimo, si kasta oo ay u kala duwan yihiin dalalku haddana waxaa ka dhaxeeya xiriir dublumaasiyadeed, saaxiibtinimo iyo mid walaalnimo, waddamada ayaa leh wax wada qabsi dhinacyo badan dhanka ganacsiga, wax isdhaafsiga, istaagerida dhanka dhaqaalaha, dublumaasiyada, militariga iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee waxbarashada, caafimaadka, beeraha , kaluumaysiga, xoolaha, duulimaadyada iwm.

Haddaba, waddankeena Soomaaliya ayaa ku yaal geeska bariga afrika waxa Allaah SWT ku manaystay carro san beereed, badda cas, badwaynta hindiya ee ugu xeebta dheer afrika, 2 wabi ee jubba iyo shabeelle, waxaaa intaa u wehliya macdan, gaas, shidaal dehan oo aan wali la wajahin .

Soomaaliya oo xoriyaddeeda gumaystayaashii reer yurub ee Ingiriiska iyo Taliyaaniga ku guulaysatay in ay ka xoroobaan 1960kii- dowlad rayid ah, kacaan milatari kadib waxaa la soomaray dhibaato  dagaallo sokeeye taaso laga soo gudbay, Iminka dalka waxaa ka jirta dowlad dunidu aqoonsan tahay, dowlada oo haatan ah federal ayaa dadaal xooggan ugu jirta ka mira dhalinta  Dastuurka  iyo doorasho hal qof iyo hal cod in la gaaro oo laga gudbo nooca 4.5 .

Waxaa guud ahaan la soo dhisay maamul goboleedyada dalka ee fadaraaliga  ah, waddanka oo haatan ka soo kabanaya dhinacyo badan ayaa dunidu u aragtay mid yididiilo leh, arrintu si kastaba ha ahaatee waddanku waxa uu u baahan yahay midnimo, caddaalad iyo fulin mashaariic hormarineed  taas oo bulshadu qayb ka noqoto.

Mawaadinka u dhashay dal kasta ayaa ah inuu ogaado waajibaadka waddankiisa ka saaran, doorka uu ka ciyaari karo hormarka dalkiisa dhan kasta iyo kor u qaadista sumcadda dalkiisa & dadkiisa, waa waajib muwaadinku inuu yeesho sifo waddan jacayl ah markaasi qofkaasi la oran karo waa waddani.

Waddanigu waa ruux heegan u ah dalkiisa, dadkiisa jacayl goor walba hormarka dalkiisa ka shaqeeya ee dhinac kasta, muwaadinku waajib baa kasaaran xurmaynta iyo u adeegista waddankiisa  isna waxa uu ku leeyahay xuquuq muwaadin oo ah inuu helo waxyaabaha asaasiga u ah nolosha aadanaha ee dhinacyada muwaadinnimada ee waxbarashada, caafimaadka, amniga, shaqo iwm, waa wax iskabaya wajibaadka muwadinka ka saaran dalkiisa  iyo xuquuqda uu dalka ku leeyahay waddanigu waa in uu ka fikiraa aayaha, horumarka, iyo sumcadda dalkiisa, waana mid lama huraan ah.

W/Q: Ibraahim Abuukar Fanax.