Agaasimaha isboortiga Barcelona ee Eric Abidal oo cadeeyay xiisaha ay kooxda Barcelona...

Agaasimaha isboortiga Barcelona ee Eric Abidal oo cadeeyay xiisaha ay kooxda Barcelona u qabto weeraryahanka Arsenal ee Aubameyang.

184
0
SHARE

Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa ka dhawaajisay inay sameyn doonaan dadaal cusub oo ay ku doonayaan inay kula soo wareegaan weeraryahanka Arsenal, iyadoo markii hore ay amaah ku doonayeen.

Agaasimaha Isboortiga ee kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa cadeeyay xiisaha ay uqabto weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Sida ay daaha ka qaaday Shabakada Goal, Barca ayaa isha ku heysay in ay qaab amaah ah ku hesho xiddigga Gunners inkastoo aysan dhag jalaq u siin kooxda ka dhisan waqooyiga London.

La jecelro Martinez iyo Erling Haaland ka hor inta uusan u dhaqaaqin Dortmund ayaa ku jiray liiska xidigaha ay dooneeysay kooxda reer Catalania.

Qandaraaska Aubameyang ayaa dhacayaa sanadda 2021-ka, Barca ayaana isku dayi doonta inay ka faa’ideysato xaalada iyadoo dadaal cusub ay ugu jirto sidii ay ku heli laheyd xiddigii hore ee Dortmund.

Abidal ayaa sheegay in uu kooxda keeni doono weeraryahan, iyadoo kooxda heysata horyaalka La Liga ay u baahan tahay bedelka mudada dheer ee 33 jirka Luis Suarez, kaasoo haatan dhaawac ku maqan ka dib qaliin jilibka looga sameeyay.

Abidal ayaa u sheegay Sport: “Waxaa jira liis ciyaartoy ah sida Olivier Giroud, Fernando Llorente ama Aubameyang, waxaan go’aansanay inaanan la soo wareegno weeraryahan, Waxaan aaminsanahay inay tahay tan ugu fiican kooxda, Ma aqaano isaga (Aubameyang), Waxa uu leeyahay muuqaal qoto dheer, Waana ciyaaryahan muhiim ah, Waan arki doonaa waxa dhaca.

Waan ognahay inuu Suarez kusoo laaban doono qaab wanaagsan, laakiin waa inaan xagaagan keensanno ciyaaryahan sarre”. Ayaa uu Abidal usheegay Sport

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)