Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Suudaan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Suudaan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

74
0
SHARE

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Koonfur Sudan ayaa furtay Buugga tacsida Qaran Sida uu xaqiijiyay Sii-hayaha ahna Xog-hayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan Mudane Maxamed Cali Maxamed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Safaaradda buugga tacsida Qaran, waxaana saxiixay Danjireyaasha wadamada Turkey, South Africa, UK, Eritrea, Denmark, Norway iyo Nigeria, kuwaasi tacsi u diray dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed xasuuqii 14-kii bishan ka dhacday caasimadda.

Safaarada Soomaaliya ee Juba ayaa noqotay safaaradi ugu horeysay ee furtay Buuga Tacsida Qaran ee Safaaradaha waxeyna Diblumaasiyiintaas la qaybsadeen umada Soomaaliyeed dhibaatadii ka dhacday Zoobe 14 kii Bishaan.