60 JIRKII GABADHIISA SHUKAANSADAY (SHEEKO)

60 JIRKII GABADHIISA SHUKAANSADAY (SHEEKO)

355
0
SHARE

Waayihii Soomaalidu baraha bulshada isticmaalkooda ku cusbeed ayaa odey 60 jir ah oo aan aqoon  badan laheyn, balse xoogaa dhaqaalaa heystay  wuxuu sameystay facebook profile wuxuu saartay calaamada towxiidka magaciisana wuxuu ku soo koobay “Maxamed”.

Illahey amarkii qofkii ugu horeeyey ee uu ku darsadaay waxay  noqatay Gabadhiisa ,oo ah 24 jir garoob ah  oo ayana ay facebook-ka usaarneed astaanta jeceylku(love),magac ahaana waxaa ugu qornaa “boqoradda Beledka”.

Halkii ayey isku barteen, magaceeda waxay ugu sheegtay magac aan keedii saxda ahaa aheyn, asaguna wuxuu ku yiri Maxamed baa la yiraahdaa ,waxaan ahey ganacsade dubey dagan sanadkii oo dhan markii laga reebo bila kooban dibadda ayaan ku maqanahey da’dayduna waa 35 jir guur doon ah.

Waayadaa lama aqoon call video ama in qadka layska soo Waco sidaa darteedna waxay isku afgarteen inay farriimaha uun ku sheekeystaan si ay haasaawahooda usii wataan.

Mudda 4 billooda ayey is shukaansanayeen intaana hal mar ma aaney kulmin odeygu oo ganacsi ku mashquulsanaa awgeed, sidoo kale sawirana may wadaagin ee farriimo unbay intaa ku wada-hadlayeen, barigaa waxaa jirey taxadar laga qabay in facebookga sirta ku jirta layska jabsado ama xogtaada qof kale ogaado sidaa darteedna odeygu wuxuu moobeelkiisa ka ilaalin jirey dhamaan qowska oo ay gabadhu ku jirto.

Muddo kaddib, waxaa lagu balamay  in lays mehersado waxay usheegtay inuu aabaheed ka soo doonto asna wuu aqbalay wuxuuna usoo direy  lacag $600 doolar ah si ay odeyga markey arinta usheegayso faraha uga saarto, qofka uu lacagta udirayaahi waa gabadhiisii oo meel asaga umuuqata casho ku  karinaysa balse asagu wuxuu dareemayaa farxaddii ugu dambeysay sababtoo ah lacagtii gabbaatiga wuu direy wuxuuna is leeyahey jeceylkaagii wuu guuleystay oo jimcadda ayaa meherku dhacayaa ayaduse waxay ka fakareysaa si ay aabaheed lacagta ugu gayn laheyd ugana dhaacin laheyd in uu ninka u imaan doona ku daro laysma oga.

Wuxuu diyaarsaday gaari qurux badan iyo 4 odey oo wada afmiishaara ah shaalkuna uu deegta uwada saaranyahay, habeenkii jimcaha farriimihii ay isku direen waxaa ugu denbeysay barri afar saac markuu qadkii ka baxay ayaa waxaa u timid gabadhiisii oo casho uwada cashadii markey udhigtay ayey agta ka fariisatay si ay arinta nimanka bari soo doonaya ugu sheegto lacagtii oo ay $100 shoobina kala hartayna ugu dhiibto waxay tiri:  “Aabe marka hore cashay arin baan kuu sheegi lahaaye” haye buu asna yiri.

Markuu cashadii ka farxashey ayey tiri horta aabe waxaa la yiri: “gabar iyo gaban yariba waa guur ujoog nin baan heshiinay lacagtaana waa iisoo dhiibay bariyoo jimcahaa  4 saac ayuuna kuu imanayaaye sidaa ogow” asagoo farxad la muusoonaya wax shakiyana aan dareemin ayuu ku yiri aabo 4 saac howl baan leeyahaye 5 saac nooga dhig asagu markaa wuxuu isleeyahey labada meherba ka qeyb-gal go’aankaas ayuu habeenkii ku seexday odayaashiisiina wuu balansaday iyo gaarigii.

Inantana waxay go,aan kaa lamida ku gaartay maadaama uu ninku 4 saac balamiyey inay afartaba utagto ilaa 5 ay sheekeystaan ka dibna ay aabaheed guriga ugu gayso maadaama aabaheed uu 4 saac meel kale aadayo.

 

_______________________________________________

meeshii ay ku ballamisay ayay isisii taagtey xilligii laysku ogaa,asna meel umuuqata ayuu gaarigii oo odayaashii saaran yihiin ku soo baakintay.

wuu arkayey iney gabadhiisii meesha taagan tahey balse, wuxuu islahaa malaha ninkii ay kuu sheegtay ayay sugeysaaye adna gabadhii aad la balansaneed meesha ku sug, sidii  loo sugayey illeen waa labo ismooge ayaa saacaddii 11:30 is dul-taagtay,cadceeduna aad bay u kululeed oo waxaa lagu jirey Bisha Maaris.

Odeygii wuxuu is yiri malaha gabadhii wax kalaa qabsadaye odayaasha Masaajidka geey xaafaddiina ka gaar si aad ninkii gabadhu kuu sheegtay uqaabisho, tii aad sugeysayna qadka uga la hadasho oo aad uweydiiso sababta ay balanta uga baxday ama xilligii lagu balamay loo waayey.

Mar allaale markii uu guriga soo galay ayaa waxaa ka soo daba-gashey gabadhii oo aad u careysan, waxayna ku tiri “Aabe ileen kii rag ahaa sidaan ayuu uqayaano badan yahey, maxaa dhacay Aabo ma ninkii baa balantii kaaga baxay mase amuur kalaa ku haysato adigoo ragga dhaliilaya maanta ka hor kuma arage?” ayuu ugu hal-celiyey asagoo indhaha ka walac-walacsiinaya gacmahana kala rogaya.

“maya Aabo amuur kale ma jirtee saakoo dhan meeshii uu igu balamiyey ayaan taagnaa  bidhaantiisana maan arage tolow muxuu ii luggoynayaa  ileen raggu waa sheydaan” ayay tiri  gabadhii,asagoo yare shakisan ayuu kursi meesha yiil salka saartay waxaanu yiri  “Aabbo war jiraaba cakaaruu iman ee bal weeso ii keen salaaddii jimco ayaa dhawe”.

Weesadii ayay ukeentay ayadoo yare ganuunacaysa(sihoose uhadlayda) caraduna foolkeeda ka muuqato, halkan ii dhig weesada maandhey  gambarkaasana soo qabso  aan bal arinta si feecan isaga wareysanee ayuu yiri odeygii.

Waxba arrintaan iminka  kama oran karayoo kolley waa iska amar Eebbee,  Aabbo iska soo Tuko  aniga xanaaq ayaa madaxu ila wareerayaa oo waxaan rabaa inaan inyar seexdee ayey tiri gabadhii.

caynkaa weeye Aabbo  waase iga su’aale ninka magaciis lacagtii aad laheyd wuu soo direy’se imisay aheyd? ayuu yiri odeygii, magaciis  ha ba’ee maxamed ayaa profileka ugu qoran lacagtuna $500  bay aheyd ayey ugu jawaabtay.

Asagoo shakisan indhaha kor utaagaya ayuu yiri bal itus farriimaha uu kusoo direy waxaa suura-gala inaan qadka isku naqaanee ayuu yiri.

ayadoo si u qawaafsan balse niyadda ku heysa inaan Aabbaheed xogteeda gaarkaa   wax udhimayn ayey moobilkii udhiibtay. hadduu eegayba waa ciwaankiisii waxa gabadha farriimaha usoo direy, naxdin awgeed ayuu  umiir daboolmay kursigii uu ku fadhiyeyna haleel uga dhacay.

islaantiisii oo markaa un suuqa ka timid iyo gabadhii oo ayadu aan wali fahmin sababta uu odeygu usuuxay ayaa meeshay ka qaaday biyona ku rusheeyey,daqiiqado kooban kadib ayuu soo hambaabirey (soo baraarugey) mase hadlina magaalada ayuu qabtay (aaday).

mudda toddobaad ah ayuu qadka ka maqnaa, wuxuuna maanka ku hayey in haddii ay gabadhu ogaato sababta uu usuuxay ama  in ninkii shukaansan jirey uu aabbaheed ahaa ay dhici karto asagu waabuu suuxaye inay ayadu toos uwaalato oo ay maryaha tuurato.

waxuuse go’aansaday inuu arrinta si hoose uxalliyo,nasiib wanaagan waxaa la taliyey nin ay shaqo wadaag ahaayeen kaasoo usheegay inuu asaga gabadha facebookgeeda usheego, dabadeedna uu ku wargaliyo inuu yahey ninkii xariirka la lahaan jirey sababta uu muddada ula soo hadli waayeyna ay tahey in facebookgii hore laga jabsaday balse uu iminka diyaar u yahey inay xariirkii sii wadaan.

taladaas ayuu qaatay ninkii saaxiibkii ahaa ayaanu gabadhii qadka kala hadlay oo usheegay inuu yahey ninkii la hasaawi jirey, ayaduna ileen kii horena wajigiisa may arag kan ma taqaanee run ayey uqaadatay, waa meesha ay Soomaalidu ka tiraahdo” Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin”. halkii ayey haasaawihii kasii wateen, waxaana muddo kooban kadib lagu ballamay inuu Aabbaheed kasoo doonto sidaas ayaana arrintii lagu dhameeyey gabadhiina nin uu Aabbaheed ushukaamiyey dhaqaalona aanay uga bixini uu ku guursaday.

W/Q: Liibaan Xirsi jimcaale