12 Qof oo ku dhimatay daadad ka dhacay Dalka Sacuudiga

12 Qof oo ku dhimatay daadad ka dhacay Dalka Sacuudiga

101
0
SHARE

Riyadh- Ugu yaraan 12 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray daadad xooggan oo ka dhashay Roobab ka da’ay Todobaadkan qeybo ka mid ah Dalka Sacuudi Carabiya.

Toban ka mid ah Dadka dhintay ayaa ku geeriyooday Gobolka Tabuuk oo dhacda Waqooyi Galbeed ee Dalka Sacuudiga, halka mid kalena uu ku Naf waayay Magaalada barakaysan ee Maniina Al-munawara.

Kooxaha gurmadka ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in ay kasoo badbaadiyeen 271 Qof Gobolka Tabuuk ee xadka uu Sacuudiga la wadaago Dalka Jordan.

Isha/ Al-jazeera