12-OTOOBAR MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED.

12-OTOOBAR MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED.

49
0
SHARE

12-ka, Oktoobar, waa maalinta ugu horreysay 1954-kii, laga taagay Xarunta Qarammada Midoobay ee New-York Calanka Soomaaliyeed ee Midibka Buluugga ahi leh isagoo ku lamaansan Calanka Talyaaniga.

Haddaba, annagoo xuseyna maalintaa Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar, waxaan ku soo qaadanaynaa Taariikhdii iyo Waxqabadkii halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa hormuudkii halganka hanashada Calanka iyo Xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, wuxuu marka xoghayihii guud ee xisbiga SYL.

Haddaba, Taariikhdiisii oo faahfaahsan waa tan hoos ku qoran:-

Taariikhdii Waxqabadkii & Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud R/wasaarihii Xukuuumaddii Daakhiliga 1956—–1960-kii.

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, wuxuu ku dhashay degmada Afgooye, sannadkii 1922-kii, aabihii waxaa la oran jiray Ciise Maxamuud Cismaan, Hooyadiina waxaa lagu magacaabi jiray, Marwo Mareero Diini, inkastoo C/llaahi Ciise Maxamuud, uu ku dhashay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, waxay qoyskiisa markii dambe usoo guureen magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaasoo lagu geeyay dugsi quraan eek u yaallay xaafadda isku raran degmada xamar jajab, kadib markii uu bartay quraanka si firfircoonna u xafiday wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardayda soomaaliyeed oo fara ku tiris ah oo marka helay waxbarasho dugsiyo kooban waqtigaas oo gacanta isticmaarka ku jiray, ka dib markii uu dhameystay waxbarashadiisii dugsiga, mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, wuxuu karaani u noqday isagoo Lix iyo taban jir ah(16) maamulkii talyaaniga ee gumeysan jiray gobollada Koonfureed ee soomaaliya.

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, wuxuu waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe iyo sare ku soo qaatay dalka gudahiisa isagoo markii dambana waxbarashadiisa jaamacadeed ku soo qaatay dalalka talyaaniga iyo isweedhan sannadku markuu ahaa 1942-kii, wuxuu howl ganacsi ka billaabay maagalada beled weyne ee gobolka hiiraan, halkaasoo cabdullaahi ciise maxamuud deegaan ahaan uu u wareegay, bishii Jannaayo 1944-kii wuxuu halgame cabdullaahi ciise maxamuud wuxuu ku biiray xisbigii gobannimadoonak ee SYL, Oo markaas u dhisnaa qaab naadi, si loogu dago ama lagu siro gumeysiga si uusan u kala fur-furin ujeeddada siyaasadeed iyo gobannimo doon ee ay wataan SYC oo markaas sannad jir ahaa, halkaas ayuuna halgame C/llaahi Ciise Maxamuud ka billaabay halganka iyo dhaq-dhaqaaqyadii loogu jiraiy helitaanka gobannimada dalka soomaaliya, sannadkii 1945-kii waxaa loo xilsaaray inuu magaalada Beled weyne ka furo laantii ugu horreysay SYL, uu ku yeesho gobollka hiiraan, dadaalkiisa naftii hurenimo darteed waxaa halgame C/llaahi Ciise loo doortay Xisbigii Golaha Dhexe ee SYL, inyar ka dibna waxaa loo magacaabay sannadkii 1947-kii inuu noqdo kaaliyaha Xoghayihii guud ee Xisbiga, Bishii Juun ee isla sannadkaas, waxaa loo magacaabay Xoghayihii guud ee xisbiga SYL, ka dib markii uu geeriyooday (AUN) Mudane, Yaasiin Xaaji Cismaan, oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga kana mid ahaa Asaaseyaashii Xisbiga SYL, isaga ayaana ka dardaarmay in C/llaahi Ciise loo dhiibo Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Halgame, C/lllaahi Ciise, wuxuu geerida saaxiibkiis u arkay ariin naxdin leh, maxaa yeelay xilligaas dhallinyarada SYL waxaa galay dareen ah haddii uu geeriyooday yaasiin xaaji Cismaan, oo ahaa maskaxdii xisbiga inuu xisbigu kala daadan doono, hase yeeshee markii yaasiin uu ku soo ururay firaashkii geerida wuxuu ku yiri, dhammaan dhallinyaradii SYL, kumanyaal yaasiin oo kale ah ayaa heysataan waxba ha ka murugoonina geerida maanta igu timaada, maalin ka fiican oon geeriyoon lahaa ma jirto, maantana si wanaagsan oo isku duubni leh ula shaqeeya C/laahi Ciise, maadaama uu yahay mid ay ku weyntahay waddaniyadda iyo diin jaceylka intaas markii uu yiri Yaasiin Xaaji Cismaan dhammaan SYL waxay meel mariyeen, dardaarankiisi waqtigaas ayuu jagada qabtay C/llaahi Ciise Maxamuud, waxaa waayo aragnimo la’aan bulshada soomaaliyeed ka muuqatay oo dhinaca siyaasadda ah.

Sidoo kale, wuxuu la kulmay xilli qofkii soomaali ah ee laga dareemo ama lagu tuhmo qiiro waddaniyeed, biseyl siyaasadeed iyo abaabul ummadeed la cabbirayo la xiro ama la dilo.

Talyaanigii Gumeysanayay Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, markuu arkay halgankii iyo qorshahii siyaasadeed iyo firfircoonida C/llaahi Ciise, wuxuu abuuray Ururro siyaasadeed oo ka soo horjeeda SYL, waxaana qorshahaas hoggaaminayay Vinzenzo Calzie, oo ahaa Xoghayihii Dowladda hoose ee Muqdisho, kana tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga.

Hase yeeshee, golihii dhexe ee SYL, ma aysan joojin halgankoodi kulan ay yeesheen waxay ku faaqideen qorshihii ay hordhigi lahaayeen wefdi xaqiiqo raadin ah , oo ka socday qorammada midoobay, kuwaasoo  kala ahaa Mareykanka, Faransiiska, Ingriiska, iyo ruushka,  si xornimo loo gaarsiiyo dalka soomaaliya.

November-1947-kii, waxay qarammada midoobay isku raaceen in soomaaliya la geliyo 10 sano oo maxmiyad ah waxaana loo silsaaray 4ta quwadood hase yeeshee, Jannaayo 1948-kii waxaa Muqdisho ka qarxay dagaalkii Hanoolaato, oo dhex maray xisbigii SYL iyo Talyaaniga oo garab siinayay dabadhilifyadiisii, waxaana dagaalkaasi ku dhintay 52 ruux oo Talyaani ah iyo 15 raacsanaa Talyaaniga,(Pro-italiana).

Dagaalkaas wuxuu wal-wal geliyay qarammada midoobay, C/llaahi Ciise, oo ahaa xoghayihii guud ee Xisbiga SYL, ayaa warqad qoraal ah u diray Xoghayihii Guud ee Qarammada Midoobay, wuxuuna u caddeeyay in dagaalkaas uu sii socon doono, inta ay xornimo ka helayaan ummadda soomaaliyeed.

Halgame Cabdullaahi Ciise, wuxuu ka qeybgalay intii u dhaxeysay 1948—–1954’kii, Shirar Caalami ah oo heer kasta lahaa, laguna kala qabtay dalalka adduunka waxaana si gaar ah ee aan ka xusi karno Kalfadhigii Sannadlaha ahaa ee Qarammada Midoobay ee 1948 lagu qabtay dalka Faransiiska.

Halgame C/llaahi Ciise, wuxuu ahaa xubintii xisbiga SYL, uu u doortay in uu ka qeyb galo Shirkaas,.

Haddaba, si loo suurta geliyo ka qeybgelidda C/llaahi Ciise shirkaasi, maadama arrimaha looga hadlayay ay ku jirtay midda soomaaliya, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in dhaqaale lacageed la uruuriyo, waxaana ugu dambeyntii lacag shilin soomaali ah oo gaareysay 150, Kun oo Shilin.

Ka dib, markii ay lacagtaasi ku soo ururtay qasnadda dhexe ee xisbiga SYL, ayaa C/llaahi Ciise wuxuu u ambabaxay Magaalada London ee dalka Ingriiska 20-kii Augusto 1948-kii.

Cabdullaahi Ciise, markii uu u ambabaxay dalka ingriiska ma uusan wadan baasaboor rasmi ah, balse, wuxuu watay Warqad ay ku qoran tahay BAS, oo ah (British Adminitration in Somalia).

Ka dib markii uu tegay Magaalada London, Safaaraddii uu Faransiisku ku lahaa dalka Ingriiska, ayuu weydiistay Viiso dal ku gal, si uu uga qqeybgalo shirka qarammada midoobay ee ka dhacaya magaalada Paariis, madaxdii Safaaradda Faransiisku waxay ka caga jiideen in ay u oggolaadaan Viisaha, dal ku galka ah.

Markii dhowr cisho uu ku soo laalaabanayay Safaaradda ayuu ogaaday inay u diiddan tahay ka qeybgalka shirka qarammada midoobay, hase yeeshee, dadaallo ay sameeyeen soomaalidii Ingriiska degganeyd ka dib, waxaa loo oggolaaday Viisahii kadibna wuxuu ka qeybgalay shirkii qarammada midoobay.

C/llaahi Ciise, wuxuu madasha kulanka ka jeediyay khudbad qiiro leh, wuxuuna ku yiri: “Madoonayaan Shacbigeyga Soomaaliyeed in dhhulkooda isticmaar ku sanduleysto, waxayna xorriyadda dalkooda hooyo u hurayaan naftooda iyo maalkooda iyo maskaxdooduba, Umaadda ayaa isoo wakiilatay” ayuu yiri C/llaahi Ciise, waxayna iga sugayaan Jawaab Cad,Nolona dib u dhigan maayaan ilaa inta ay xornimo helayaan”.

Hadalkaas, waddaniyadda iyo qiiraddu  ay ka dhedhemeyso, wuxuu gilgilay shirkii qarammada midoobay, wuxuuna wax ka beddelay fikradihii qaldanaa ee markii hore laga aaminsanaa Shacbiga Soomaaliyeed, waxayna arrintaas dhabbaha u xaartay in golaha ammaanka ee qarammada midoobay uu shir deg-deg ah ka yeesho arrimaha Soomaaliya.

Ka dib wafdi ka socday Qarammada Midoobay ayaa dalka yimid, si ay u eegaan biseylka ummadda Soomaaliyeed eek u aadan xornimadooda.

Qarammada midoobay markii ay garowsatay hadalkii kululaa ee C/llaahi Ciise ka soo jeediyay kal-fadhigii Qarammada Midoobay ayey waxay go’aan-sadeen 21 November 1948-kii, in Koonfurta Soomaaliya lagu wareejiyo Talyaaniga gacantana uu ku hayo mudddo 10 sanno ah, loona diro guddi ka kooban dowladaha Kolombiya, Masar iyo Filibiin, hase ahaatee arrintaas, waxaa ka xumaaday Ingriiska oo xilligii iyadu gacanta ku haysay dhulalka Soomaaliyeed oo dhan.

Wafdigii Qarammada Midoobay markii ay yimaadeen Soomaaliya, waxay la kulmeen dadkii Soomaaliyeed oo ku bannaan baxayay, “Ha dhaco isticmaarku, ha ka baxeen dhulkeena hooyo”.

Tallaabadaasi, waxaa hormuud qaali ah u ahaa Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud iyo Halgameyaashii kale ee SYL.

Bishii Oktoobar 12-keedii 1954-kii, waxaa xisbigii SYL, ku guuleystay in Calanka Soomaaliya laga taago xarunta Qarammada Midoobay ee New-York, isagoo ku lamaansan calanka Talyaaniga.

Sidaa darteed, 12-ka Oktoobar, waa maalinta Calanka Soomaaliyeed, waa mirihii iyo guushii ugu horreysay halgankii xisbiga xornimodoonka SYL.

Bishoo May 1956-kii, waxaa halgame C/llaahi Ciise loo doortay inuu noqdo R/wasaarihii ugu horreeyay ee uu yeesho Dalka Soomaaliya uuna hoggaamiyo xukuumaddii daakhiliga laba xilli oo isku xiga oo min labo sano ah, wuxuuna ku guuleystay in 1960-kii, Gaarsiiyo Gobannimo buuxda Dalka Soomaaliya.

Halgame C/llaahi Ciise, wuxuu ahaa halyeey, oo ay si isku wada mid ah ay uga murugoodaan shacabka Soomaaliyeed Geeridiisii, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay maamulkii Dalka.

Sannadkii 1960-kii——–1964-kii, wuxuu qabtay Xilalka kala ah:-

  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
  • Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga
  • Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

1973-kii, Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Danjirihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Wakiil uga noqda dalka Sweedhan.

(AUN) C/llaahi Ciise Maxamuud, wuxuu ku Geeriyooday Magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga 24-kii, Bishii Maarso 1988-kii.

Haddaba, waxaa isweydiin u baahan, wxii uu u soo halgamay, halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, Ummadda Soomaaliyeed ma ku dheggan yihiin, Mise Maya, dadweynoow idinkaan idiin deynay jawaabteeda.

 

Qoraa: Dr. Maxamed Isaaq Mursal.