12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed

12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed

182
0
SHARE

Maanta oo ah 12ka Oktoobar  waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 65aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la soo bandhigay naqshadda Calanka Soomaaliyeed la iskuna raacay ,maalintaan oo ah maalin ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed, waa maalintii la go’aamiyay nooca uu noqonayo calnka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana naqshaddiisa hal abuuray Ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Markii u sameeyay Calanka wuxuu Marxuum Maxamed Cawaale Libaan dood dheer la galay dad badan oo su’aalo ka weydiiyay astaamaha calanka, waxayna dooda ugu wayn ka imaaneysay dhanka Gumeystihii oo isagu markii hore diiday Calanka Buluugga ah.

Soo Bandhigidii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yir”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan,hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay, maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

 

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 65 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaas oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo halgan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

Taariikh Kooban ee halgankii gobannima doonka:

Haddii  si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal dagayo 65 guuraddii calanka astaanta u ah Qaranimadda Soomaaliyeed, runtii xornimada kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

13 dhallinyaro, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysay taariikhd bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan markaa urur siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddalay urur wayn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasi oo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah,iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad wayn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badnayd uguna caansanayd, sababtoo ah waxaa dhacaayay gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale. Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood oo ku guulaystay dagaalkii labaad ee Addunka kana koobnaa, dowladda Mareynkanka ,dowladda Ingriiska , dowladdii Midawga Soofiyeeti  iyo dowladda Faransiiska.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaaradka ahayd oo ku bahoobay daladda la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhagaysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyay , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qaabkii iyo hannaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii waxaa shacabka soomaaliyeed u suurto gashay inay soo bandhigaan calanka buluugga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku faanno sida aan ka dhadhansan karno miraha can baxay eek u jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka, halgankii loo soo maray xoriyadda, halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

W/D:- Gobdoon.